BANDHIGGA BUUGAAGTA CAALAMIGA AH EE HARGEYSA: Wakhtiga la bilaabayo oo si rasmi ah loo shaaciyay

Hargeysa (SLpost)- Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa (HIBF) oo ka mid ah munaasibadaha halabuurka iyo farshaxanka ee ugu ballaadhan geeska Afrika ayaa sanadkan bilaabmi doontaa 13-ka July 2012.

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo sannadkan shan jirsatay waxa doorkan ka qayb-galaya hal-abuurro, abwaanno, qoraayo, suxufiyiin, muusigyahan iyo aqoonyahan kale oo isaga yimi dunida daafeheeda. Waxa kale oo ka qayb gali doonaa intaas dhigaalkooda oo waddanka gudihiisa ku nool.

HILLAADINTA MUSTAQBALKA: Afartii sanno ee la soo dhaafay Bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa (HIBF) waxa lagu soo bandhigay doodo, falanqayn, riwaayado iyo suugaan kale oo la xidhiidha mawduucyo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, muwaadinimada, faaf-reebka iyo sidoo kale mawduuc aad u xiiso badnaa oo loo bixiyay xusuus-wadareed. Hase ahaatee, sanadkan waxa bandhiggu diiradda saarayaa mawduuc ka duwan kuwaa hore, kaas oo loogu wan-qalay magaca ‘Hillaadi mustaqbalka”. Ka hor dhallinyarada Somaliland ee aan helin fursado ku filan oo ay kaga qaybgalaan isbedellada siyaasadda, dood-wadaagga iyo la-kulanka dadyow kala fikir, aqoon iyo khibradba duwan ay u helaan fagaare ay kula kulmaan, codkoodana kor ugu qaadaan, gaar ahaan dhinacyada waddanniyada iyo masuuliyad-wadaagga iyo horumarka bulshadaba.

Mawduuca sanadkan ee ‘Hillaadi mustaqbalka’ ayaa ujeeddadiisu tahay in ay dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshadu ay hillaadinta mustaqbalka kala qayb-galaan dadyow kala da’ ah, kala aqoon ah, oo kala aragti duwanni, si ay uga doodaan siduu mustaqbalkoodu u eekaannayo timaaddada. HIBF waxa uu ururrada bulshada u noqonayaa madal ay ku wadaaggaan fikir-isdhaafsi furfuran iyo doodo ku saabsan doorka sayniska, ganacsiga, maalgashiga, horumarka iyo dalxiiska Somaliland. Barmaamijka HIBF Waxaa uu feejignaan gaar ah siin doonaa xaaladda maanta deegaankeenu uu marayo iyo sida uu isbeddelka cimiladu mustaqbalka innoo saamayn dono.

Buugaagta carwada lagu soo bandhigi doono waa kuwo tiro badan, waxaana ka mid ah taxanayaasha Curisyo, Isweydaarsi (oo ka kooban buugaag caalami ah oo Af-Soomaali lagu soo turjumay) iyo buugaag kala duwan oo caalami iyo maxalliba isugu jira. Waxa weheliya dood-cilmiyeedyo iyo falanqayn toos ah iyo mid dadban intaba oo dadweynaha fursad u siin doona in ay la kulmaan dhammaan dadka aynu kor ku soo sheegnay ee heer caalami iyo kuwo heer maxalli intaba ah.

Evan Christopher oo deggan New Orleans, cariga Maraykan caanna ku ah muusiga nooca aynu u naqaanno foodhida, boqorkii cuudka Xudeydi iyo Faysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa foollaadkii muusigga qaraamka ee Soomaalida, ayaa iyana munaasibad wadaag ah ku soo bandhigi doona dananka muusigga iyo codad loxdan oo wada socda.

Bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa waxay soo dhawaynaysaa, una taagan tahay in dhalinyaradu door firfircoon ka qaataan tartanka Sheeko iyo Shaahid ee hab-qorista sheekooyinka gaagaaban, tababarka kooban ee hab-qorist sheekooyinka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee uu bandhiggu ka kooban yahay, iyada oo ay gacan ka geysanayaan naadiyada akhriska ee dalku. Sidoo kale, waxa bandhiggu fursad siin doonaa in dhalinyaradu ay soo bandhigto halabuurkooda iyo hibadooda maskaxeed.

Muddada uu socdo bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa waxa lagu soo bandhigi qaybo kala duwan oo xiiso badan oo ay ka mid yihiin, daah-furka buugaag cusub, riwaayado, gabayo, suugaan, dood-cilmiyeedyo iyo madadaallo kale oo sal ballaadhan. Waxaana la soo gebo-gebayn doonaa 18-ka July 2012.

Si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah iyo hab-socodka bandhigga sanadkan, booqo website-ka bandhigga oo ah www.hargeysabookfair.com ama ka seeska dhaqanka iyo suugaanta ee Redsea Online: www.redsea-online.com.

Faahfaahinta intaa dheer iyo wixii su’aalo ah la xidhiidh telefoonnada 4099088 (Telesom) 9203995 (Somtel)  & Email: hibf@hargeysabookfair.com

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net