Ban Ki-moon Oo Walaac Ka Muujiyay In Dagaalka Yemeni Uu Sababo Jihaad-doon U Talaaba Soomaaliya

Ban Ki-Moon Wuxuu warwar ka muujiyay saamaynta xayiraadaha shirkadaha xawilaadaha oo lacag u diri jiray ilaa 40% dadwaynaha Soomaaliya.Ban Ki-Moon

New York, (SLpost)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa warbixin cusub kaga digay in dhibaatada Yemen ay dhici karto in ay furto jid ay dadka jihaad doonka ahi ka soo galaan Soomaaliya, halkaasoo ku taalla gacanka cadmeed.

Ban Ki-Moon wuxuu ku sheegay warbixin uu u gudbiyay shalay golaha ammaanka in Soomaaliya iyo gobolkaba ay halis ku hayaan kooxaha maleeyshiyooyinka Islaamiga ah ka soo kow weerarada al-Shabaab, waxa kale oo uu sheegay in dhibaatada ka taagan dalka Yemen ay halis sii galinayso gobolka inay ka furmaan iriddo kooxaha Jihaad-doonka ahi ay ay ku galaan Soomaaliya.

Yemen ayaa in muddo ah waxa ka jirtay saboolnimo ba’an, siyaasad guuldaraysatay iyo laanta ugu halissan ee al-Qaacida oo halkaas ka hawlgalaysay.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa ka socday dagaal u dhexeeya mucaaradka xuutiyiinta iyo madaxwaynaha mustaafuriska ku maqan ee dunidu aqoonsan tahay.

Taas ayaa dhalisay in Sucuudiga iyo dalalka gacanku ay soo faro-galiyaan.

Madaxa Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay in warwar aad u weyn laga qabo weli amniga gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada al-Shabaab ee Puntland iyo waxa ka dhalan kara xaaladda Yemen ka taagan hadda.

Ban Ki-Moon, wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in iskaashiga ciidan ee xoogaga AU ee AMISOM iyo ciidamada qaranka Soomaaliya uu sii socdo, maaliyad ahaanna bulshada caalamku ay taageerto.

Wuxuu sheegay inuu rajaynayo inuu soo bandhigo warbixin uu ugu talogalay golaha ammaanka oo ka hadlaysa horumarka la sameeyay sidii looga soo bixi lahaa bartilmaameedyada la dhigay ee keeni doona in Qaramada Midoobay ay la wareegto waajibaadka nabad ilaalinta dalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ayaa ku dhiirigaliyay deeq-bixiyayaashu inay bixiyaan lacag gaadhaysa ilaa $863 milyan oo lagu caawiyo 2.8 million oo Soomaali ah oo u baahan gargaar degdeg ah oo caafimaad.

Wuxuu warwar ka muujiyay saamaynta xayiraadaha shirkadaha xawilaadaha oo lacag u diri jiray ilaa 40% dadwaynaha Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay inay la yimaadaan habab kale oo lacagaha dibadda lagu diri karo inta laga abuurayo Baan rasmi ah oo ka hawlgala Soomaaliya.

Somallilandpost.net