Ban ki-moon oo ku baaqay in 3,000-askari deg deg loogu diro Jamhuuriyadda Afrikada dhexe

Newyork(SLpost)Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-moon ayaa ugu yeeray Beesha Caalamka in ay 3,000-askari oo deg deg ah ugu diraan wadanka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Banki Mon

Ban ki-moon oo hadal ka jeedinayay fadhiga Golaha amaanka ayaa sheegay in askarta wax ka qaban doonaan colaada u dhaxeysa Kirishtanka iyo muslimiinta.

Rabshadaha ka aloosan Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ayaa isu bedeshay mid ku saleysan Diin kadib jabhadda Kirishtanka ay bilaabeen in ay beegsadaan Muslimiinta laga tiro badan yahay oo bilaabay in ay isaga barakacaan wadanka.

Midowga Yurub ayaa la filaaya dhowaan in ay kun askari u diraan, iyado hore u joogaan Askar Faransiis ah iyo kuwa ka socda Midowga Afrika. Balse kuma guuleysan in ay damiyaan colaadda.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland