Balwad ma leedahay? Haddii aad leedahay, ma isku dayday inaad Iska Joojiso? Walise ma ku Fekertay Fursado aad ku joojin karto Balwadda aad leedahay?

Hargeysa (SLpost)- Inaad si fudud ugu gacan-gasho Barashada Balwaduhu, way fududahay, laakiin sida sheegaan khubarada cilmi-nafsigu, waxa aad u adag in qofku iska daayo bal-wadaha uu qabatimay ee sida maalinlaha uu u adeegsado. Haseyeeshee, waxa jira fursado qaalli ah oo xilliyo badan oo noloshaada ka mid ah ku soo mari kara si aad u joojiso ugana xorowdo guumaystayaasha ay balwaduhu ka midka yihiin, xilliganina waa Bisha Barakaysan ee Ramadan oo aad kaga xoroobi karto isticmaalkeeda.

qaadkaBalwadaha ugu badan ee Soomaalidu isticmaalaan waxa ka mid ah Qaadka iyo Sigaarka. Akhriste, waxa is-weydiin mudan, haddii aad ka mid tahay dadka ay balwadahaasi la tageen, wali ma isku dayday inaad iska joojiso, welise ma ku fekertay inaad hesho dariiq aad u mari karto inaad iskaga joojiso?

War-bixintan waxa diyaariyey Wariye Aadan Shardi oo ka mid ah bahda Idaacadda Hirad oo la sheekaystay dhalinyaro isku dayey inay Bisha barakaysan ee Ramadan uga faa’idaystaan joojinta balwadaha Qaadka iyo Sigaarku ka midka yihiin.

DHEGAYSO:

SOMALILANDPOST.NET