Balli-Gubadle: Xusuusta Maalin ka Mid ah Maalmihii Qadhaadhaa (Q:3AAD)

Waxa ay inoo joogtay iyada  oo aanu weerarnay ciidankii dawlada ee Balli Gubadle  qabsaday, hase yeeshee  nasiib darro waa  nalagu soo jabiyay weerarkaas oo aanu ku doonaynay inaanu xoog kaga saarno ciidamadii dawlada ee uu hogaaminayay Janaraal Cabdi Casiis Cali Barre,  casarkii ayaanu isugu soo baxnay meel dhinaca Bari kaga toosnayd Balli Gubadle, waxaana na soo gaadhay gurmad kala duwan oo u badnaa dadkii ku hareeraysnaa nawaaxiga Bali-Gubadle iyo xataa qaar ka yimi xeryihii qaxootiga iyo tuulooyinkii xuduudka ku teedsanaa waxaana aanu mar kale casarkii isku soo habaynay inaanu weerar kale oo rogaal celis ah ku qaadno Ciidankii dawlada , qudbado kooban oo madaxdii ciidanku ay noo soo jeediyeen ka dib waxaanu casar liiqii mar kale usoo dhaqaaqnay dhinacii magaalada Balligubadle, waxaana si xawli ah aanu kusoo galnay magaaladii oo haawanaysa meelo badana uu qiiq ka baxayo, ciidamadii dawladuna ay iskaga  baxeen!

Degdeg ayaanu baadhis   ugu samaynay qaybihii kala duwanaa ee magaaladu ay ka koobnayd sida xaruntii SNMta , Cisbitaalkii iyo goobihii kale ee dadweynaha oo badankooda uu qiiq ka baxayay , waxaa meel kasta daadsanaa meydad kala duwan,  waxaana aanu ururis ugu dhaqaaqnay wixii meydad ahaa ee indhahayagu ay qabanayeen ee magaalada dhex daadsanaa, si xawli ah ayaanu markiiba  magaaladii uga baxnay anaga oo ka daba kolanyaysanay si aanu u gaadhno  ciidamdii Dawlada oo dhinaca jihada Hargeysa u dhaqaaqay.

Run ahaan qof kasta oo  naga mid ahi cadho ayuu dabnaha ruugayay, iyada oo aanu aad uga xumaanay in Ciidamadii dawladu ay si iskood ah Balli gubadle uga baxeen, iyada oo aanaan si fiican u faro-saarin ama aanaan ka aar gudan, waxaana ay u muuqatay inay suurto gal ahayd  in ay jireen dad SNMta ku dhex jiray oo la shaqaynayay cadawga Balli Guabadle qabsaday iyo waliba nidaam la’aan, diyaargarow xumo iyo isku xidhnaan la’aan SNMta ka dhex jirtay taasoo ciidamadii Dawlada u sahashay inay si sahlan Balli Gubadle u qabsadaan si fududna ay uga baxaan.

Iyada oo aanu  si culus u hubaysanahay awood badanina ay naga muuqato oo ku daba jirna Ciidamadii dawlada oo xaga Hargeisa dib ugu noqday ayaanu goor danbe oo habeenimo ah waxaanu   soo gaadhnay Tuulaha loo yaqaan Gumburaha Banka. Baabuurtii ayaanu ka degnay . Tuulahan Gumburaha Banku way ololaysay waxaana dab sii qabadsiiyay ciidamadii dawlada,  meelahaas ay dabka sii sudheen waxaa ka mid ahaa Istoodho ay taallay rasaasta madaafiicda oo SNM tu lahayd, taasoo si layaab leh uu olol uga baxayay , waxaana kolba hawada iftiiminayay  finiinka  rasaasta qarxaysay oo kolba sanqadh nooc kala ah samaynaysay, meel aan waxba ka fogayn istoodhadaas ololaya ayaanu xabaal wadareed uga qodnay meydadkii aanu sidanay, waxaana aanu u hoyanay habeenkii.

Ciidamadii Dawlada ee Balli Gubadle qabsaday waxay galeen Magaaladii Hargeysa ee ay kasoo duuleen iyaga oo libbaystay oo guul ku damaashaadaya, waxaana ay u ahayd inay gaadheen guushii ugu weynayd ee ay helaan tan iyo intii dagaaladu ay ka dhex qarxeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco sanadkii 1988kii. Sida xaqiiqdu tahay ciidamada dawladu waxay gaadhi lahaayeen guul intan ka badan, waxaana ay gacanta ku dhigi lahaayeen Madax badan oo SNM ah, laakiin waxaa guushaas  ka kala dhantaalay  gaadhi yar oo Toyoto ah oo uu saarnaa qoriga loo yaqaan B10 oo ay wateen Mujaahidiin ka tirsanaa qaybtii Seddexaad ee SNM oo uu ka mid ahaa Mujaahid Muxsin Aw Cali oo imika ka tirsan ciidamada Amaanka Qaranka Somaliland, waxa uu gaadhigaasi ka yimi taliskii qaybta Saddexaad waxaana uu ku soo socday dhinaca Magaalada Balli Gubadle waxaana uu Allah ku beegay oo ay arkeen ciidamadii dawlada oo ku soo wajahan, kuna soo jeeda oo wax yar u jira Balli Gubadle, waxaana gaadhigaas iyo kooxdii saarnayd ay markiiba war galiyeen reer Balli Gubadle iyaga oo sidoo kalena kolba koone intay istaagaan xabado B10 ah ku ridayay ciidamada dawlada, taasoo hakisay xawligii ay ciidamada dawladu ku socdeen, waxaana fursad loo helay in Idaacadii SNM degdeg loo furo madax badanina ay ka baxaan magaaladii, waxaana uu gaadhigaas yar iyo kooxdaas geesiyiinta ah ee saarnayd ay badbaadiyeen nafo badan iyo idaacadii iyo waliba dadweyne  badan oo ciidamada dawladu ay gacanta ku dhigi lahaayeen.

Iyada oo aanu hal habeen degenayn tuulaha Gumburaha ayaa galabtii nin Mujaahid ahaa oo la odhan jiray Waran uu naga codsaday inuu gaadhi ciidanku lahaa kaxaysto si uu usoo eego reerkooda oo deganaa meel dhinaca waqooyi ka xigay Gumburaha, waxaana sii raacay dhawr mujaahid oo aan ka xasuusto Musatafe Yusuf Gaaxnuug oo loo yaqaan “Mustafe Jaqaaq”  oo imika ka tirsan saraakiisha amaanka gaadiidka cirka oo imika ka hawl gala Gegida Diyaaradaha ee Hargeisa, iyo Mujaahid Cali Ma Dheragto oo imika ku sugan dalka Norway, markii ay ka soo noqdeen reerkii ay booqdeen ayaa miino aad u xoog badani ay dhexda kula kacday, miinadaas oo ay sii aaseen ciidankii dawladu, markii aanu qaraxa miinada maqalnay ayaanu goobtii ku yaacnay waxaana aanu ugu tagnay iyaga oo dhaawac badani uu soo gaadhay, waxaa dadka dhaawacmay ka mid ahaa oo ay labada lugoodba go’een nin aan filayo inay walaalo ahaayeen Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ah muftiga Somaliland, waxaa kale oo miinadu ay u faaiidaysay Cali ma Dhergto oo lugtiisa oo markii horeba qaloocday oo dhaawac ahayd ay mar kale jabisay, waxaana jabniinkan danbe markii la kabay toostay lugtii Cali ma dharagto oo markii hore qaloocday, taasoo la odhan karayay isagu miinadaas waabuu ka faaiiday, Mustafe dharka ayay miinadu ka saartay laakiin nasiib wanaag dhib weyn oo culusi  ma gaadhin, waxoogay rasaas ah ayuu dhinac kasta u riday isaga oo u fahmay in gaadhiga la toogtay ee aanay miino la kicin, Waran isaga wax dhaawac ahi ma gaadhin.

Galabtaas waxaa nasoo booqday madax badan oo uu ka mid ahaa Allah naxariistii janno ha siiyee Taliyihii Qaybta 31aad Mujaahid Col: Haybe Cumar oo ahaa nin qalbi fiican, geesi ah oo naxariis badnaa, waxaana uu qudbadaha ku bilaabi jiray ” Roobeey, Nabadeey, Caano” isaga oo had iyo goorna hadalkiisa ku soo xidhi jiray ” Allahayow Khayr noo Danbaysii”  run ahaan galabtaas ducadiisa dhagahayagu umay furnayn waxaana aanu sugaynay in nalagu amrro inaanu Hargeysa weerarno kol hadii aanay jirin wax kale oo oo dib loo dhigtaa….

Guud ahaan waxaa ururkii SNM uu degdeg u go’aansaday in loo hawl galo in dagaalkii kama danbaysta ahaa lagu soo qaado magaalooyinkii waaweynaa ee Berbera, Burco iyo Hargeisa, waxaana weerarka ay ciidamada dawladu kusoo qaadeen Balli Gubadle ay soo dedejisay in gacan buuxda aynu ku qabano dalkeena hooyo, taasoo mustaqbalka dhow aynu kusoo bandhigi doono buug gaar ah oo ka hadlaya dagaalkii ugu danbeeyay ee ay SNM ku qabsato dalka hooyo, hadii uu Allah raali ka noqdo

Halkan ka akhriso hadii ay ku dhaafeen labadii qaybood ee hore

Qaybtii Koowaad: https://somalilandpost.net/articles/balli-gubadle-xusuusta-maalin-ka-mid-ah-maalmihii-qadhaadhaa-qaybtii-2aad/

Qaybtii Labaad: https://somalilandpost.net/articles/balli-gubadle-xusuusta-maalin-ka-mid-ah-maalmihii-qadhaadhaa-qaybtii-2aad/

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com