BALLI-DHIIG: Xisbiga Kulmiye Oo furay Tartankii Ugu Horeeyey Ee Loo Qabto Degmooyinka Hoos Yimaada Gobolka Togdheer

Balidhiig (SLpost)- Xisbiga Kulmiye Ayaa Tartan Kubada Cagta Ah Degmada  Bali Dhiig Uga Furay Lix Degmo Oo Ka Tirsan Gobolka Togdheer.

Tartankan Oo Ahaa Kii Ugu Horeeyey Ee Loo Qabto Degmooyinka Hoos Yimaada Gobolka Togdheer Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa Degmooyinka Loo Furay Balidhiig,Dhoqoshay ,Duruqsi  Warcibraan, Qoryaale iyo qorilugud Waxaana Goob Joog Ka Ahaa Furitaanka Tartankaasi  Masuuliyiinta Ugu Saraysa Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Kulmiye Madaxda Degmooyinka  Tartanka Qaybta Ahaa Iyo Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan.

kulmiyeGudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Xasan Mataan Oo Tartankaasi Furay Ayaa Sheegay In Xisbiga Kulmiye Uu Dadaal Ugu Jiro Sidii Dhalinyaradu Ay Isu Dhexgali Lahayd Isla Markaana Uga Waantoobi Lahayeen Qabyaalada,Tahriibka,Balwada Iyo Wixii Lamida,Wuxuuna Ugu Baaqay Kooxaha Ciyaaraya Inay Si Farshaxannimo Ku Jirto U Ciyaaraan Isla Markaana Aanay Iman Is Qabsi Iyo Iska Hor Imaad.

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Kulmiye Abokor Carab Ileeye Oo Isna Furtitaanka Tartanka Ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Ku Nuux Nuuxsaday Dadaalka Uu Xisbiga Kulmiye Galiyey Dhalinyarada Somaliland Sidii U Noqon Lahayd Mid Isku Duuban Si Loo Helo Dhalinyar Mustaqbal Leh,Wuuna Intaasi Ku Daray In Xisbiga Kulmiye Uu Hore Uga Qayb Galiyey Dhalinyarada Siyaasada Isla Markaaan Madaxwayne Siilaanyo Uu Magacaabay Wasiiro,Agaasimeyaal,Badhasaabo Iyo Xoghayeyaal Intuba Dhalinyaro Yihiin Taasina Ay Ku Tusinayso Buu Yidhi Sida Uu Xisbiga Kulmiye Ugu Heelanyahay Dhiirigalinta Dhalinyarada.

IMG_0007Mustafe Faarax Cali (Mustafe Qalab) Madaxa Xidhiidhka Degmooyinka Iyo Gobollada  Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Kulmiye Oo Isagu Ahaa Hindisaha Tartankan In Lagu Qabto Balidhiig Oo Goobtaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Tartanka Xisbiga Kulmiye Ay Muhiimad Wayn U Leedahay In Lagu Qabto Balidhiig,Wuuna Sheegay Inay Ka Dhalinyaro Ahaan Dadaal Badan Ugelayaan Sidii Tartanada Noocan Ahi Ay Usoo Noqnoqon Lahaayeen Si Loo Helo Dhalinyaro Isku Duuban Iyo Isdhexgal Ka Dhasha Tartanadaasi.

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Dhoqoshay Balidhiig Qoriluguud Dururqsi Iyo Xoghayaha Warcibraan Oo Goobtaasi Iyaguna Ka Hadlay Ayaa Si Wayn Usoo Dhaweeyey Qabsoomida Tartankani Waaxayna Sheegeen In Uu Xisbiga Kulmiye Bilad Dahab Ah Ku Helay Arintaasi Maadaama Oo Uu Isu Keenay Dhalinyarada Degmooyinka Gobolka Togdheer.

Tartankan Ayaa Waxaa Isku Aadka Isku Beegmay Kooxa Ka Kala Socda Degmooyinka

Dhoqoshay <> Qoryaale

Duruqsi <>Warcibraan

Balidhiig <>Qorilugud

Waxaana Ciyaartaasi Furay Dhoqoshay Iyo Qoryaale Iyadoona Ay Gool Guushu Ku Raacday Degmada Qoryaale.

Xisbiga Kulmiye.Tartankan Ayaa Noqonaya Kii Ugu Horeeyey Ee Noocan Ah Ee Loo Qabto Degmooyinka Gobolka Togdheer Intii Ay Somaliland Jirtay Waxaana Markii Ugu Horaysay Suura Galiyey Xisbiga Kulmiye.