Ballan-Ka-Baxa C/raxmaan Cirro Waxay Guul-darro U Tahay Hankiisa Siyaasadeed Iyo Himilada Mustaqbalka Wadani

Sharaf maamuus aynu dadka kale dheer nahay bay ahayd  inaan tashano oo gaadhno heshiis hadba markalad kastoo dalkeena lasoo gudboonaata ugana samata saarno xiliyada adage e ay sababeen duruufaha siyaasadeed, maalintii shalay ahayd waxaa siwada jira warbaahinta ula hadlay Gudoomiyayaasha Labada Xisbi qaran  ee Kulmiye Iyo Ucid, waxay daboolka si wada jira uga qaadeen inuu jiray heshiis afar geesooda oo ay galeen Saddexda xisbi qaran iyo Xukuumada kuna salaysnaa soo jeedin mudo kordhin ay doonayeen inay u gudbiyaan Golaha Guurtida ayaa gudoomiyayaashaasi waxya sheegeen in heshiiskaasi oo la doonaayey in sabtidii khamiista la saxeexo uu ka baxay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro.

Shirkan jaraaid ay qabteen Faysal  Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi waxay ku cadeeyeen in heshiiskaas uu kaga baxay C/raxmaan ciro, hadaba arinta heshiis jabinta ciro ayaa loo aanaynaa inay tahay in horeba loogu xaman jiray inuu talada ka qaato xildhibaano maan gaab ah oo ku jira xisbigiisa iyo haween kuwaasoo kula taliyey inuu ka baxo heshiiskaasi balse caado umay lahayn  masuuliyiinteenu  inay heshiisyada qaraneed ka baxaan waa nasiib xumo in C/raxmaan ciro  uu heshiiskii uu galay ka baxo.

Danta qaranka iyo isu tanaasulku waa waa midaan kusoo caano maalnay, ciro  wuxuu hore heshiis ula galay Dalwada Djabouti hadii uu ku guulaysto hagaaminta mustaqbalka Somaliland ,  una balan qaaday inuu ka iibin doono dhulka dhanka xeebta ee xiga dhinaca Jabouti, sidoo kale uu 70% siin doono heshiiska dhaqaalaha soo saarista salaadiida ku duugan xeebaha Somaliland ee dhanka jabouti, bedelkeena uu qaatay lacago xadi badan tan iyo wakhtigii 2012-kii xiligii uu samaysstay Urursiyaasdeedka hadana ah xisbiga Wadani,    isla sidoo kale wuxuu heshiiskaasi mid lamida  la galay Dalwada xamar taasuu u balan qaaday hadii uu ku guulaysto doorashada Madaxtinimada Somaliland inuu qaadan doono Nidaamka Faderaalka Somaliya iyana badelkeeda qaatay lacag badan si uu isugu fan gareeyo, sidoo kale waxaa uu  wali hayaa xilkii Dalwada somaliya  Wadanka ruusha uu Lacagtiisii qaato walina aanu iska casilin.

Waxaa la yaaba laba aan is qaban nin doonaya inuu qaran dhan u noqdo hogaamiye mustaqbal hadana khiyaamaya oo doonaya inuu iibiyo, suaashu waxay tahay muxuu ka faaidayaa, wadani iyo xulafadiisa waa sharaf dhac iyo maamuus xumo madaxna sidaa lagu noqo in balan laga baxaa waa khalad weyn.

Cali Xasan

Calixasan806@gmail.com