Balan-qaadkii Xubinta Komishanka Iyo Ballan Furkii Dambe Ee Cirro – W/Q: Ali Jaamac Faarax

Asalaamu Calaykum Marka Hore Jaallayaal.

Guddoomiye cirro ayaa odayaal ,aqoon-yahan, siyaasiyiin , salaadiin kamid ah beesha isaxaaq kullan uu la yeeshay u ballan qaaday inuu sii doono beesha xubinta komishanka doorashooyinka u jilaysay xisbigiisa , taasi oo la isla qaatay wuxuuna ka dalbaday inay nin xul ah beesha u keento oo aqoon-yahan ah.

Cirro ayaa odayaashu ku yidhi markii hore ayey meel xun igaga dhacday xubinta komishanku hadda idinka idin dhaafi maayo xubintaasi cid idinkaga xaq lihi ma jirto, maadaama oo aad tihiin beel ballaadhan oo degta caasimadda Hargeysa ee nin xul ah ii keena  , odayaasha iyo haldoorka beesha isaxaaq nin ay soo xuleen oo aqoon-yahan ah ayey  ugudbiyeen  Guddoomiye Cirro . kaasi oo uu Guddoomiyuhu wuu qaabilay Beeshe , waanay wada sheekaysteen waxna wey isku ogadeen .

Haddaba iyadoo arrintu halkaasi maraysu ayuu guddoomiye cirro ku kacay ballan fur cad, isagoo ballan qaadkii uu beesha u qaaday aan qaderin, isla markaana aan odhan shaqsigan aad uu keenteen kuma qanacsani ayuu xubintii komishanka ee uu u ballan qaaday inuu siin doono beesha isaxaaq doorkan  , isagoo weliba sheegay in ay berigii hore meel xun kaga dhacday, hadda se aanu isaxaaq dhaafinay xubintaase, laakiin’se ayuu shaqsi kale oo beeshiisa ismaaciil carre kasoo jeeda u magacaabay, taasi oo ah wacad fur uu ku kacay Guddoomiye Cirro iyo qadarin la’aan beesha isaxaaq iyo yasid uu yasayo beesha iyo weliba aamin la’aan uu ku aamini waayey jagaddaasi inay xisbiga u qabato beesha isaxaaq Carre.

 Waxa taas ka sii darran arrin aan qarsoonay oo lagu hayo Agaasimaha xarunta guud ee WADDANI wiilka lagu magacaabo Jamaal , kaasi oo aan xisbiga dhexdiisa lagu qadarin oo shaqadiisa aanu u madax-baanay oo aanay aaminsanay-ba ee ay u arkaan basaas, waxaana shaqadiisii haysta ninka xoghayaha guud lagu sheego oo shaqaale kale keensatay,dhammaan-ba wiilkaas waa la cuna qabateeyey wuu ku magacaaban yahay uun agaasime guud , laakiin waa magac u yaal ay bahdileen, waxaan odhan lahaa Jamaal waar inadeer nin dhalinyaro ah oo aqoon-yahan ah ayaad tahaye is casiley oo iskaga tag WADDANI .

Beesha Isxaaq waxa la gudboon haddii  ismaaciil Carre aanu wax inoo ogolayn oo uu madaxa ku duubtay xisbiga WADDANI min Guddoomiye ilaa mid golle dhexe iyo xubin komishan-ba haddii ay qaateen, inay tashadaan oo reerka isaxaaq talo iskugu yimaado ballaadhan oo dadkooda ay dhinaca ka raacaan wey arkaan sida  ay wax u socdaan.

Qalinkii Ali Jaamac Faarax