“Bal intay Xamar iyo Hargeysa isla doonayaan sawta Gaalkacayo kala tagtay miyay mideeyaan….”Cali Guray

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Guray ayaa masuuliyiinta Somaliya ku dhaliilay inay midayn kari waayeen Gaalkacayo oo ay isku hayaan labada beelood ee wakhtigan ugu tunka weyn siyaasada Somaliya, waxaanu ugu baaqay inay isla hilmaamaan Somaliland oo ay ku mashquulaan midaynta inta ay haatan u taliyaan.

Waxaana qoraal kooban oo uu so dhigay bartisa Facebook uu u dhignaa sidan “Wada hadal ma jiro eh iska hadal iyo kala hadal waxa jiraa ma dhaafsiisna. Bal intay Xamar iyo Hargeysa isla doonayaan sawta Gaalkacayo kala tagtay miyay mideeyaan. Somalia intii isku hadhay baa sii kala socta oon isu soo soconine halkay wada joogaan ee Hargeysa uga gacan haadinayaan. Ma jirto ee wadahadalka waxay kaga waewareegayaan runta hortooda taal oo indhahoodu diidayaan.

Somaliland iyo Somaliya labada geed mid walba in gubtaa way hoos taale hore loo yidhi RAQBA WAA KU RAGEEDA eh gurigiina hagaajista ka Somaliland iska dhaafa oo ha isku mashquulinina ah”