“Bal Aan Eegno In Dekedda Berberi Ka Raysato Cali Xoo-Xoor Iyo Inay U Darsato” Cali Guray

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in Maareeyihii hore ee Dekeda uu kaalin muuqata ku lahaa horumarka Dekeda, islamarkaana waxa uu xusay in shacbigu ay darsi doonaan in laga maarmayo hoggaamintiisii iyo in la tabayo.

 

 

 

 

“Mar hadaan ka gabyay go’aygiina ka qaatay maxaa iiga gidhiish ah ayuu yidhi Cali oon ceebi ka raacin. Bal aan eegno inay Dekedda Berberi ka raysato Cali iyo inay u darsato. Bedelka Cali wuxu ku yimi ismaandhaafkii muuqday ee ku saabsanaa Heshiiskii Maalgashiga DP World ee u dhexeeyay Cali iyo madaxdiisa uga sareeysay hawsha siiba Madaxtooyada iyo intii kale ee ku lug lahayd ee xukuumadda ka tirsanayd oo looga fadhiyo isbedel la taaban karo oo ku wajahan horumarinta iyo kor u qaadista heerka awooda Dekedda Berbera.

 

 

 

Xukuumadda heshiiska ku gashay magaca shacbiga Somaliland ee sida hilaacana ku marisay Aqalka Wakiilada waxan leeyahay HAATUU BURHAANAKUM IN KUNTUM SAADIQIIN. AFAR KUB OO LABA XAAD LEEDAHAY YAA BERI LA IDINKA WAAYIN

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa