Badwaynta Wax-Qabadka Xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo Intii Ay Talada Wadanka Haysay

Qodobo kamid  ah wax qabadka Xukuumada M,Siilaanyo Oo aan La ilaawi doonin Abid, PART TWO.

Xukuumada Madaxeyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Talaabooyinka dhaxal galka ah Ee ay qaaday Mudadii ay xilka ay haysay waxaa kale oo Iyana kamid ah Oo aan la iloobi doonin Badalidii Lacagtii Somalliya taasoo intii aanu Madaxweyne Siilaanyo xilka qabanin kahor  Meelo kamid ah Gudaha Somaliland Gaar ahaana Gobolada Bariga ay ka shaqayn jirtay Siiba Gobolada bariga Somaliland sida Togdheer, Sool, iyo Halkaasoo laga isticmaali jiray lacagtii horee Dawladii Somaliya Ee GIIMBAARTA ahayd taasoo gabi ahaanba muddo kooban lagaga joojiyay Somaliland Oo dhan iyadoo arintaasi Muraayad unoqotay Mustaqbalka gooni isku taaga Jamhuuriyada Somaliland Shacbi waynaha Gobolada Bariga Somaliland’na waxaa aad ugu diirsadeen lacagtaa Giimbaarta Somaliya ah Ee laga badalay Taasoo dhibaatooyin badan Oo xagga sicir bararka iyo Noloshaba ku haysay iyo Sidoo kale lacagtaa Somaliya Ee Gudaha Somalliland lagu qaadanaayo ama lagu isticmaalo Oo saamay xagga siyaasada ah Ku yeelanaysa Qaran ahaan.

Waxaa xusid mudan geesta kale Dawladihii hore Ee talada Somaliland iyo Hogaanka soo qabtay Sida Allah ha u naxariistee C/raxmaan tuur, Cigaal iyo Rayaale intuba Umaanay suuroobin inay Badalaan lacagta Somaliya Ee Giimbaarta ah Kumaanay Guulaysan Arintaasi Marka laga reebo madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo isagoo ay ku wehelinayaan xukuumadiisu arintaa ay ku guulaysatay Ilaahayna u dhib yareeyay dadaalka iyo karti Daacadniimo iyo lexjeclo iyadoo ku dartay arintaa.

Sidoo kale Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo  Badalidaa Lacagta Giimbaarta ah Waxaa ay Raacisay Oo daba Socotay In Baanka dhexe Ee Jamhuuriyada Somaliland Oo aan awalkii hore dhaafiba jirin Caasimada Hargeysa La gaadhsiiyo Dhamaanba Gobolada Bariga iyo Guud ahaanba Dalka oo dhanba Arintaasoo wax wayn Ka badashay Nolosha dadka Ka baxsan Caasimada Somaliland ee  Hargeysa Isla markaana Noloshooda ay ku dabaqeen iyaga Oo arintaa kaga maarmay Xarunta baanka dhexe Ee Hargeysa Halkaasoo ku qaadan jirtay waqti dheer iyo dhaqaale intaba marka ay wax uga baahdaan, waxaana ay taa kaga bogsadeen xarumaha baanka ee looga furay Magaalooyinka iyo Gobolada ay ku nool yihiin iyadoo guud ahaana lgu reeyay Shacabka iyo Ganacsatada intaba waxaana mahadaa iska leh Ilaahay, kasokoowna Xukuumada Madaxaweyne AXMED MAXAMED SIILAANYO Oo Isku dayay inuu arimahaa wax uga qabto Shacabkiisa soo doortay Ee uu ugu balan qaaday isbadalka.

Bulshada Reer Somaliland’na talaabooyinkaasi waxaa u noqdeen waa cusub Oo u baryay iyo wax ay ku diirsadaan isla markaana ay muddo dheer ku hamiyayeen Wax qabadka sidaasi Oo kale ah ee dhaxal galka ah.

Hoodo Ayaan
Hoodo.ayaan90@gmail.com