Badhsaab ku-xigeenkii Gobolka Sanaag oo maanta si heer Qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa

Hargeysa, 19 February 2012 (SLpost)- Alle ha u naxariiste Badhasaabkii ku-xigeenkii gobolka Sanaag Cabdicasiis Xasan Siciid, ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa waxa aaskiisa ka soo qaybgalay  masuuliyiin ka tirsan  xukuumada, Xildhibaano,madax dhaqameedyo iyo  Dadweyne kale oo tiro badan ,waxaana  Marxuumka  uu muddooyinkan dambe la liitay xannuun hayay oo daaweyn loogu geeyay  magaalada Addisa Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.Laakiin markii ay xaaladiisa caafimaad ka soo raysay muddo ka dib, ayaa dalka dib loogu soo celiyay , waxaana  uu  geeriyooday xannuunka oo ku soo laba kacleeyay sida ay sheegeen qaar ka mid ah eheladiisu.

Marxuum Cabdicasiis Xasan Siciid, ayaa muddo ka badan todobo sanno waxa uu ahaa Badhsaab ku-xigeenkii gobolka Sanaag, waxana uu ahaa masuul sarre oo ka tirsan xukuumadii Daahir Rayaale, sidoo kalle waxa uu ku jirey Waxgaradka iyo Aqoonyahanadda Gobolka Sanaag.

Marxuumka waxa tacsi u diraya Maayarka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax ,Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, Wasiir-Xigeenka Maaliyadda Warsame Siciid Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdulraxmaan, Maareeye Xigeenka Madbacadda Qaranka Jaamac Axmed Cabdiraxmaan, Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale, Boqor Maxamed Nuux, Maxamed Kaahin Axmed, Ismaaciil Xuseen Farjar, Maxamed Ismaaciil Kabaweyne, Maxamed Cartan

Waxaanay Eebbe uga baryayaan inuu naxaristii jannao ka waraabiyo, Dhammaan dadkii uu baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.