Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Sababta Xisbiyada Mucaaradka Ah Uu U Dajiyay Madaxtooyada Gobalkaas

Burco(SLpost)-Badhasaabka gobalka Togdheer dhawaan loo magacaabay Maxamed Ibraahin Qabo ayaa sheegay inuu xisbiyada mucaaradka ah u dajiyay madaxtooyada gobolkaas si ay u soo laabato kalsoonida mucaaradku.

Waxa uu badhasaab Qabo sheegay in sadexda xisbi qaran ay xuquuq siman ku leeyihiin gobalka uu maamulo waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Sadexda xisbi qaran waxay gobalkan ku leeyihiin xuquuq siman, qof walibana dhariga waxii uu gashado ayuu kala soo baxayaa, Xisbiyadii mucaaradka ahaana waxaan ku dajiyay madaxtooyada, gudoomiyahii Kulmiye oo walibana musharaxii ah saaxiibkay Muuse Biixi waxaan idhi waxaad ku degtaa City Plaza, waxaanan ku sababaynayaa inaan soo celiyo kalsoonidii xisbiyada mucaaradka ah.