Maamulka Gobolka Saaxil oo tafaasiil ka bixiyey Baaxadda Khasaare ka dhashay Roobab Mahiigaan ka da’ay Berbera

Berbera (SLpost)-Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Maxamad Cilmi (Cali Gadh-dheer), ayaa shaxaad ka bixiyay khaasaarihii ka dhashay roobabkii ka da’ayay gobolkaasi labadii ee u dambeeyay, waxaanu sheegay guryo badan ay dumeen dad badanina guryahoodii ay deganaayeen kabo kaceen, kadib markii daad ama biyo xoogan ay magaalada soo galeen isla markaana gurmad xoogan ay kaga hortageen sidii biyaha magaalada dhex-fadhiistay ay u dhaafin lahaayeen. Badhsabka gobolka Saaxil, waxa kale uu sheegay in wadada dowga Sheekh oo xidhantay ilaa 7 tuulo uu ka roobkaasi carshaantii ka dhisnayd ay dumeen.

Badhsabka gobolka Saaxil, ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id uu kaga hadlo khasaaraha roobkaasi gaysteen isaga duqa magaalada Berbera.

Berber

Badhsabka gobolka Saaxil Cali Gadh-dheer, oo shaxaad ka bixinaya khaasaaraha ka dhashay roobabkii, waxa hadalkiisa ku bilaabay,
“wadada dowga Sheekh oo xidhantay dhagxaan ayaa ku go’an uu roobku soo daadiyay, waxaanu u dirnay gaadhi ka qaada, 7 tuulo uu ka roobkaasi carshaantii ka dhisnayd dumiyay oo ay kamid yihiin Suuq-sade, xaga xeebaha iyana waxaa laga soo sheegayaa in daadadkaasi ay kusoo fataheen, magaalada Berbera, waa magaalo xeebeed ay ku soo faafaan dooxyo badani waxa ku soo jabay magaalada dooxyadii kasareeyay oo dhan taasina waxay dhalisay in magaalada daadkii dhex-fadhiisto oo dadka guryaha ugu galo, inta aanu og-nahay ilaa 50 guri ayuu dumiyay 500 oo qoys way kabaro kaceen dadkaasi maanata waxay u baahan yihiin waxay ay cunaan iyo wax ay huwadaan, waxaan baaq u dirayaa xukuumada iyo hayadaha samo-falka inay lasoo gaadhaan gurmad deg deg ah”.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, oo kamida saadiinta gobolka Saaxil ayaa ka hadlay dhankiisa shaxaadna ka bixiyay khaasaarihii ka dhashay roobabkii kuna baaqay gurmad deg deg ah lala soo gaadho dad dhibaatadu roobabka ka soo gaadhay, waxaan isagoo arrimahaasi ka hadalaya waxa uu yidhi, “wali roobabkii waa soo madow yahay hadii mid dambe yimaado waxaa laga cabsi qabaa in dhibaatadu sii fido, waxaan lee nahay haloo soo gurmado xukuumada iyo hayadaha samo-falka inay lasoo gaadhaan gurmad deg deg ah, laydhkii labo casho wuu ka bakhtiisnaa magaalada iyadoo laga baqo qabo biyaha fadhiya ow-geed”.

Isu-duwaha wasaarada caafimaadka gobolka Saaxil. C/raxiin Duacaale Cajab, ayaa sheegay in la soo dhaagsiiyay cisbitaalka Berbera ilaa 10 qof oo waxyeelo ka soo gaadhay roobabkaasi lixaadka lahaa ee ka da’ayay magaalada Berbera.

Roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ayay magaalada Berbera. labadii maalmood ee u dambeeyay kuwaas oo gaystay khaasaare balaadhan inkastoo wararku aaanay sheegin cid ku dhimatay roobabkaai, balse dadwaynaha ku dhaqan magaalada Berbera iyo gud ahaan gobolka Saaxil, ka baqo qabaan in roobabkaai mar kale ku soo rogaal celiyaan.

Somalilandpost.net

Berber