Badhasaabka Saaxil Oo Jawaab Ka Bixiyay Dayacaad Uu Urur Xuquuqal Insaan Ku Sheegay Qaxoontiga Yemen

Berbera(SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa  jawaab ka bixiyay hadal  ka soo yeedhay  urur xuquuqal insaan oo sheegay in qaxoontiga ka soo qaxay dalka Yemen in ay ku dayacan yihiin Somaliland.Fahmi

Guddoomiye Fahmi ayaa intaa raaciyay in qaxoontiga ka soo qaxay Yemen noloshoodu  wanaagsan tahay isla markaana aanay waxba ka jirin dhibaatada nololeed ee ururkaasi uu sheegay in ay la soo daristay dadka Yemen ka soo qaxay.

Xarunta Xuquuqal Iisaanka ee fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa warsaxaafadeed ay Sabtidii soo saartay oo  ku beegnayd maalinta qaxoontiga dunida ku tidhi “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada Hargeysa.  Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex illaa afar qoys. Ma haystaan adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo.” 

Hadaba badhasaabka gobolka Saaxil, oo walaaca HRC ka jawaabaya ayaa arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay “Runtii qaxoontigii caadi buu u socdaa, labadii xarumood sidii caadiga ahayd baa loogu dejiyaa, xarun saddexaadna waanu diyaarinaynaa. Runtii dad baa jira qaxoontiga Somaliland ka hadlayay xalay, waxaan leeyahay waa qof aan waxba ogayn ama si kale wax u arkay ka shanqadhiyo qaxoontiga d waa lagu xumeeyay Berbera iyo Hargeysa. Marka Markabka laga soo dejiyo biyo ayaa la siiyaa, baabuur baa lagaga soo qaadaa xarada ayaa la keenaa, xerada waxaa loogu sii diyaariyay Caafimaadkii,cuntadoodii oo saddexda wakhti ah, biyihii.”

Source: DAWAN