Badhasaabka Maroodijeex oo kulan taageero loogu muujinayo Ciidanka Qaranka la yeeshay Maamullada iyo Wax-garadka Degmooyinka Gobolka

Hargeysa (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, ayaa guddoomiyeyaasha iyo wax-garadka degmooyinka hoos-yimaadda gobolka ku boorriyey inay u hawl-galaan gurmad ciidanka Qaranka ee fadhiisimada ku leh gobollada Bariga dalka loogu taakulo loogu ururinayo.

Badhasaabka HargeysaBadhasaabka gobolka Maroodijeex oo guddoomiyeyaasha degmooyinka Maroodijeex ka kooban yahay, cuqaal iyo wax-garad ka socday deegaamada gobolka kulan kula yeeshay xafiiskiisa maanta, waxa uu masuuliyiinta heer degmo iyo wax-garadka wehelinayey u jeediyey sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen una gaadhsiin lahaayeen bulshada ay deegaannadooda xilalka ka hayaan gar-gaar xoolo nool iyo raashin isugu jira oo taageero loogu muujinayo ciidamada qaranka Somaliland.

“Aniga oo ku hadlay afka badhasaabbada, aniga oo ah badhasaabkii badhasaabbada waxaynu doonaynaa inay taakulo iyo gurmad gaadhsiinno ciidankeennii, waayo ciidanku dhib-badanna waa qabaa, ninkii ciidan soo-noqday iyo ninkii wax-garad ahiba wuu garanayaa ciidan dhibtuu qabo. Degmooyinkeenna qaar Illaahay wuxuu ku mannaystay kheyraadka Beeraha, qaarna wuxuuu ku bmannaystay kheyraadka Xoolaheenna. guddoomiye kasta waxa looga baahan yahay gurmad iyo taakulo,” Sidaa waxa yidhi badhasaabka gobolka Maroodijeex Md Maxamed Maxamuud.

Waxa kale oo kulanka ka hadlay xubno ka mid ah maamullada degmooyinka gobolka Maroodijeex, madax-dhaqameed wax-garad, kuwaas oo dhammaantood ballan-qaaday inay fulinayaan baaqa guddoomiyaha Maroodijeex u soo jeediyey, iyaga oo ballan-qaaday inay ciidamada Qaranka ku taageeri doonaan adduun iyo xoolo wixii ay awoodaan.

SOMALILANDPOST.NET