Badhasaabka Gobolka Togdheer oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Birmingham (Sawiro)

London (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Cabdoo Axmed Aayir, ayaa aad loogu soo dhaweeyey xaflad aad loo agaasimay oo lagu qabtay xarunta Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Birmingham.

Xafladaas waxaa soo agaasimay Jaaliyada Somaliland ee Birmingham ee cariga ingiriiska, waxaana goobtaas aad u soo buuxiyey dadweyne aad u badan oo Somaliland ah oo degan Gobolka West Midlands , iyagoo ay dadkaasi aad u xiisaynayeen wararka dalkii hooyo .

Ugu horayn Waxaa halkaasi laga akhriyey aayado quraana iyo ducoba isugu jira , kadibna waxaa makirifoonka la wareegay xidhiidhiyaha xaflada Cabdi Jaquur,  Xafladan aad u balaadhnayd laguna soo dhaweynayey, isla-markaana lagu taageerayey Badhasaabka G/Togdheer Md,Abdoo Axmed Aayer hawlaha horumarka leh ee uu ka qabtay gobolka Togdheer mudadii koobnayd ee joogay , ayaa  jaaliyada Somaliland  gobolka Midlands ay Xafladaasi si Weyn ugu qabteen birmingham, galabnimadii maanta oo Axad ahayd ,bishuna kow iyo toban ahayd,(11jan2012) xafladda oo lagu dhigey hool weyn oo ku yaala magalaada Birmingham Uk .

Badhasaabka Gobolka Togdheer4Xafladan waxaa ka qayb galay qaybaha ay ka koobantahay jaaliyada Somaliland Birmingham iyo nawaaxigeeda oo isugu jira  mudanayaal iyo marwooyin, sida dhalinyaro, Aqoonyahano,Salaadiin  oo hadafkeeda ugu weyni ahaaa taageero loo Muujinayay badhasaabka gobolka togdheer, iyadoo ay  ka hadleen  Masuuliyiin  Tiro Badan oo  kala duwan,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Odayaasha jaaliyada Somaliland ee Birmingham ,Waxgarad iyo  Qaar ka mid ah Hooyooyinka , Dhamaan Masuuliyiintani waxay fallan qaynayeen inuu badhasaabku muddo badan ka mid ahaa jaaliyada halkan Birmingham iyo doorka lama ilaawaanka ah ee badhasaabku ka qaatay horumarka G/togdheer, sidoo kale sida ay Muhiim u tahay in lala shaqeeyo badhasaabka, laguna tageero hawlaha fiican ee uu hayo.

Waxaa ay qoorta u sudheen jaaliyada somaliland Birmingham Badhasaabka bilowgii xafladaba , Ubaxa weyn oo dhignaa soo dhaweyn iyo hawlaha uu qabtay mudadii uu xilka hayey.

Waxay kaloo Sharaxaad ka bixiyeen Masuuliyiinitani  Waxqabadkiisa iyadoo halkaasi laga sheegay  inay tahay Guul u soo hoyotay Umadda Somaliland oo dhan.

Ugu danbayntii Badhasaabka G/togdheer md, Cabdoo Axmed Aayar  oo lagu soo dhaweeyey  ayaa u mahad celiyey ugu horeyn qabanqaabiyaashii xafladan iyo  dadweynahii ka soo qeybgaleyba ama shacabka Somaliland ee Birmingham iyo nawaxigeeda.

Badhasaabka Gobolka Togdheer2Badhasaabku waxuu ka waramay si kooban muqaalka guud ee Somaliland Waxuuna  madashaasi ka soo jeediyey ereyo isugu jira waano iyo talooyin, isagoo umada reer Somaliland ugu baaqay in ay ilaashadaan nabad geliyadooda ilaahayna ka cabsadaan kuna shukriyaan  nimcooyinka faraha badan ee ilaahay inoogu deeqay sidda  ,Caqliga ,Aqoonta amniga iwm.

waxaana uu sheegay in markasta danta shaqsiga ah laga hormariyo ta caamka ah oo ay danteenu ku wada jirto.

 waxaan ka soo gudubnay ayuu yidhi Doorasho weyn oo xanaf  badan waxaynu ugu talo galnay oo laysku raacay aqlabiyada  in aynu doorasho u galno Deegaanka si aynu Xusbiyo u tartano , doorashadaasu culeyskeeda ayey lahayd waxaa tartamaayey markii hore ilaa 15Urur iyo 3Xisbi wareegii 2aad waxaa soo gaadhay 3xisbi iyo 4 Urur=7 ,waxii dhibaato ee ka yimina nina kama raali ahayn, waxii ay lahaydba anagga ka gobol ahaan waxaanu ahayn gobolkii u horeeyey ee 21xildhibaan isla markiiba la dhaariyey , go,aana ay ka gaadheen , wadajirkoodii muujiyey, si fiican ay noogu dhamaatay, inta hadhayna waxaana aanu u duceynayaa  Intii inagaga dhimatay alah ha u naxariisto ,inteenii kale ee dhawacantayna alah ha bogsiiyo Aamin …waxaan rajeynayaa inay si fiican u dhamaan doonto inshalaah.

Waxa uu sheegay  gudoomiyaha gobolka togdheer md Cabdoo Axmed Aayir intii xilka hayey inay ilaahay la qabtay oo ay suura-gashay  hawlo badan oo gobolka faa,iido badan u leh sida

Fasalo iyo dhismayaal lagu kordhiyey qaar ka midda dugsiyada magaalada Burco.

Biyaha magaalada lawada gaadhsiiyey , isla markaana loo sameeyey meelo lagu keydiyo

Dhisid iyo dibu-habeyn lagu sameeyey gurigii martida iyo guriga uu ku jiro badhasaabka.

Dibu –dhisid iyo casriyeyn  lagu sameynaayo taliska guud ee ciidanka booliiska G/Togdheer

Xarun loogu talo-galay agoomaha magaalada Burco oo weli socota.

 Magaalada Burco waxuu Ka Fuliyey Mashruuc Ugu Magac Daray Baadi Goobka Bilicda Burco, Kaasoo ay qayb-qataan Guddiyada Xaafaddaha Kala Duwan Ee Magaalada Burco iyo Hay’addaha Waddaniga ahba  oo ka Ururiya Qashinka Magaalada.

Ugu danbeyn waxuu ka hadlay Dibu-dhiska madaarka Burco oo hawshiisu weli socoto, uguna baaqay in si weyn looga qayb qaato, madaama ay xukuumada iyo haayadaha ay si fiican uga qayb qateen ,waxanuu sheegay in ilaahay igu simo isagoo dhamaystiran.

Wuxuuna badhasaabku ugu Baaqay in umadda Somaliland gaar ahaan G/Togdheer u ballan qaaday inuu si Cadaalad ah ugu Shaqeeyo oo aan lahayn Reer Hebel iyo hebel toona.

Badhasaabka Gobolka Togdheer5Intaa ka dib waxaa halkaa su,aalo ku weydiiyey badhasaabka dadweyne aad u badan , kuna saabsan wadankii dhamaantood ,runtii waxuu uga jawaabay badhasaabku si aad iyo aad u faahfaahsan, way badnayd qudbada badhasaabku oo aad moodaysay inaanu waxba ka tegin dhinac kasta gaar ahaan gobolka uu madax ka yahay oo ka afeeftay inuu u badnaan doono isaga  iyo jawaabihii dadka uu siiyey oo iyagu aad moodo inay dadku weydiiyeen meelkasta in ay ogadaan sida ay tahay ,runtiina si fiican ayuu ugu jawaabayey dadweynihii madashaa isugu yimi guud ahaanba  , waxaanay ahayd xaflad lama ilaawana .

Badhasaabka Gobolka togdheer ayaa mudadii sanadka ahayd ee xilka hayey waxaa uu  horumarka la taaban karo iyo guulaba ka gaadhay gobolkaasi waxaan ka xusi karaa Wasaaraddihii dalka oo dhamaan Gobolka Togdheer  ka wada hawl galay Maamul-Wanaag gobolka ka hirgalay Musuq-maasaqii ka jiray Gobolka oo hoos u dhacay Nabad-gelyaddii Gobolka oo uu gacan-bir ah ku qabtay , Baahiddii Biyaha ee ka jirtay Gobolka oo uu xal u helay Dhismayaal iyo waddooyin cusub oo laga hirgeliyay Gobolka Bilicdii iyo quruxdii Burco oo soo noqotay Caafimaadkii iyo Nadaafaddii Gobolka oo la wanaajiyay .

Waxaana aan odhan karnaa  , waxuu noqday Badhasaabyadii  soo maray Gobolka Togdheer kuwii  ugu waxqabad iyo mashariic badnaa dhinaca taariikhda , isagoo ku gaadhay hawshaa hawl-karnimo, daacad iyo dadaal ,ugu danbeyna waxaan odhan karnaa Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Cabdoo Axmed Aayir waa masuul Ka soo dhalaalay Shaqadii Qaranka ee loo igmaday.

Adan Yusuf Elmi,

Birmingham, UK