Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed M- Diiriye ayaa si adag u cambaareeyey dilkii dablayda hubaysan Ay ku Dileen Taliyihii Degmada Xaaji Saalax

Burco (SLPOST)Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa si adag u cambaareeyey dilkii dablayda hubaysani ay habeen-hore saqdii dhexe ku dileen taliyihii Saldhiga degmadda Xaaji-Saalax ee gobolka Daad-madheedh.

m-m-diiriye

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramayey Wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan magaalada Burco, waxaanu tilmaamay dilkaasi lala xidhiidhinayo aano-qabiil oo dhawr iyo tobansano ka hor dhacday, isla markaana xussay inaan wali la qabanin gacan ku dhiiglayaashii balse ay ciidamada amaanku ku daba-jiraan oo deegaankaas si wayn looga baadi-goobayo.

Maxamed Muuse Diiriye waxa uu tibaaxay inay raadinta dablaydaas dishay sarkaalkaas ciidanka ka tirsan inay si wada jir ah u raadinayaan Somaliland iyo Maamulka kililka 5-aad ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia, maadaama oo deegaanka dilku ka dhacay uu ku dhawyahay xadka labada dal. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waa run oo dilkaasi xalay ayuu dhacay oo Alle ha u naxariistee waxa ku dhintay Sarkaal ciidanka ka tirsan, run ahaantiina maamul ahaan aad ayaanu uga xunahay in dhacdooyinka noocaas oo kale ahi inay dalkeena ka dhacaan balse waa arin qadarka Alle ku dhacday”.

Badhasaabka Togdheer, Maxamed Muuse isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd in kooxdii dilka gaysatay la qabtay iyo in kale, waxa uu yidhi “May wali gacanta laguma dhigin gacan ku dhiiglihii dilka gaystay, ninkii la dilay-na rabi ha u naxariistee maanta ayaa la aasay. Mida kale cidii dilkaasi gaysatay ciidanka amaanku way ku daba-jiraan oo way baadi-goobayaan, xaga Ethiopia-na waanu la xidhiidhnay waa laga raadinayaa, isla markaana xagan Burco gurmad ciidan iyo waxgarad leh ayaa ka baxay oo Hargeysa-na waa laga soo baxay oo xataa xadka degmada deeggaanada ku teedsan oo dhan Itoobiya iyo Somaliland labaduba dhinacooda ayey ka raadinayaan dadkii dilka gaystay n oo ma gudbi karaan,inkastoo aan wali la qaban”.

Maxamed Muuse Diiriye Guddoomiyaha gobolka Togdheer mar uu ka hadlayey arrimaha lala xidhiidhinayo dilkaasi iyo waxa sababay, waxa uu yidhi “Dilkaas waxa lala xidhiidhinayaa aano-qabiil oo deegaanka Xaaji Saalax ee dilku ka dhacay waxay ka tirsan tahay Daad-madheedh oo gobolkan Togdheer-na way saamaynaysaa oo imikaba ciidanku waa heegan oo way ilaalinayaan amniga si aanay dhibaatadu u sii badanin, aanada lala xidhiidhinayo-na waa mid 13 sano ka hor dhacday, markaa naf baxaysana Ilaahay ayuu baa oge, waxaan bulshadda deegaanadaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland-ba ugu baaqayaa inay nabadgalyadooda ilaashadaan oo ay meel uga soo wada jeedsadaan dadka dhibaatadda iyo nabadgalyo darida ka dhexwada ee dhibaatooyinka noocan oo kale ah samaynaya”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu rajo-waynaha oo aan rajaynayaa in la soo qaban doono kooxda dilka gaysatay oo ciidanka amnigu ku raad-joogaan, dhinaca xaga Ethiopia-na maamulka degmadda Gaashaamo dhinacooda ayey ka raadinayaan oo ma jirto meel ay ka baxaan oo ay u baxsadaan

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland