Badhasaabka gobolka Selal oo lagu eedeyey inuu Qaranka Somaliland Khiyaameeyey oo uu Djibouti la shaqeeyo iyo Sababaha loo aaneeyey

Saylac (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waabberi Rooble, ayaa lagu  eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo Khiyaamo Qaran, isla markaana uu  yahay nin Jabuuti u shaqee kana dambeeyey  go’aanka ay dawladda Jabuuti ku xidhay xadka ay Somaliland la wadaagto.

Xildhibaan Kibbaar oo ka tirsan Golaha Deegaanka Saylac, waxa uu  Guddoomiyaha gobolka Selel ku eedeeyey inuu faro-gelin wada-shaqaynta Maamulka degmada iyo ka gobolka ee Sharcigu oggol yahay ka baxsan ku hayo habsami-u-socodka hawlaha iyo shaqada Golaha Deegaanka degmada Saylac. Waxa uu Xildhibaanku Duqa demgada Saylac ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmadaas ku eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo inuu awooddii Golaha deegaanka keligii isagu maroorsaday, wax-qabashadii Golaha looga fadhiyeyna cunaha iskaga duubay.

Cabdirisaaq Waaberi Rooble“Gobolka in Badhasaab loo soo magacaabay waan maqalnay, habeen hadduu Saylac joogo saddexda maalmood ee ku xiga Jabuuti ayuu joogaa. Xaaladda aannu ka hadlayno waxa weeye Guddoomiyaha gobolku hawshii loo soo igmaday wuu gees-maray, Jabuuti ayuu galaa, xaaladda Xadka Jabuuti u xidhan yahayna isagaa u sabab ah Badhasaabku, sababta oo ah Warbixinta lagu xidhay waa mid halkan ka tegtay, isagaa qaada sidaannu aamminsannahay. Dadka reer Jabuuti waa walaalahayo, dhibaatadooduna waa dhibaatadayada, dawladdooda iyo shacabkoodaba hadday dhibaato ku dhacdo inaannaan annaguna badbaadayn baan u aragnaa.”  Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibaar oo shalay Warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Waxaanu intaas ku daray; “Hadduu Maalin joogo Guddoomiyaha gobolka magaalada Saylac, 17 Xildhibaan ayaa degmadan ka soo baxay, Badhasaabkuna 18 buu ku yahay 17-ka Xildhibaan, Xafiis malaha, Hoolkayagaa u Xafiis ah, Guddoomiyihii hore ayaa ugu dambeeyey Xafiiska. Markaa, waxaan leeyahay 17-ka Xildhibaan ee laga doortay deegaanka 18-aad buu ku yahay. Waxaannu leenahay dad hawsha wadi kara halloo soo diro hawsha, ka degmada ee hawshiisa ka seexdayna annagaa arrintiisa geli oo doorannaye.”

Xildhibaanku Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha ayuu Baaq u diray, waxaanu yidhi; “Dawladda Somaliland, Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha waxaan leeyahay wax maamul gobol ah oo Saylac ka dhisani ma jiro, waxaan leeyahay hallaga fiirsado dadka Maamulidda gobolkan loo soo dirayo, waayo? Waa Xuduud waa meel maamul fiican oo nabadgelyada labada waddan iyo xidhiidhka labada dal iyo labada dadba ilaaliya, markaa baaqaygan yaan la dhayalsan ee wax hannalala eego waxa jira.”

Haddaba, si aannu xogo dheeraad ah uga helno warkan waxa uu Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka xalay warkan wax kaga weydiiyey isla Xildhibaanka eedayntan soo jeediyey, waxaanannu weydiinnay waxa uu ku caddaynayo eedamaha culus ee uu u jeediyey Badhasaabka gobolka Selel,  waxaanu ku jawaabay; “Waxaan ku caddaynayaa Badhasaabku Xilkii Somaliland u soo diratay ma qabto, saddex cisho marku Jabuuti ku maqnaado, maalin iyo labuu hurdaa Saylac, ka dibna wuu ku noqdaa, markaa shaqo uma hayo Somaliland, Xafiis malaha, guriga Martida ayay geli jireen Masuuliyiintii ka horreeyey oo ku shaqayn jireen, kii wuu xidhan yahay, Guri Waxbarashadu leedahay, ayuu deggan yahay, kaasna shaqo kuma qabto ee markuu dhawr cisho Jabuuti ku maqnaado ayuu u soo hurdo-tegaa, maalinta uu joogana 17-kayaga Xildhibaan ee Golaha Deegaanka ayuu 18 ku yahay.”

Xildhibaanka oo jawaabayey su’aal aannu ka sii weydiinnay oo la xidhiidhay in qof weliba Jabuuti hawl u yeelan karo oo xataa isagu Xildhibaan ahaan uu tego amaba uu tegi karo, tegista meel hawl loo yeeshay iyo gudashada waajibaadka shaqaduna isku xidhnayn, markaa waxa ay tahay sababta uu sida gaarka ah ugu durayo Guddoomiyaha, waxa uu ku jawaabay; “Waa run qof kasta oo dani ka gasho Jabuuti wuu tegi karaa iyo meel kaleba, laakiin maalin, laba iyo saddexba haa, toddobaadka maalmaha toddobada ah ee uu ka kooban yahay marka la qiimeeyo inta badan Guddoomiyaha Selel Jabuuti ayuu ku maqan yahay, inta uu joogana Golahayaga ayuu xasarad ula joogaa, ee shaqo iyo hawl uu Somaliland iyo gobolka midna u qabtaa ma jirto. Guddoomiyaha gobolku wax yar maaha waa Madaxweynihii gobolka, waa inuu noqdaa qof la socda xaaladda deegaanka iyo dadka ku dhaqan iyo amnigaba.”

Mar uu ka jawaabayey Xildhibaanku waxa ay tahay xasaradda iyo faro-gelinta uu ku eedeeyey inuu Guddoomiyaha gobolku ku hayo golaha Deegaanka Saylac, waxa uu yidhi; “Xafiisii Guddoomiyaha Gobolku ma shaqeeyo Masuul fadhiista Guddoomiyihii hore ayaa ugu dambeeyey, inta badan Jabuuti buu iskaga maqan yahay, maalinta uu joogana Annaguu 18 nagu yahay oo Golahayaga ayuu fadhiistaa. Maayerkan Magac-u-yaalka ah ayuu garab-fadhiyaa.”

“Maalin dhawayd gacanta ayaannu isula-tagnay oo waa nala kala gaadhay, waayo waannu ka shaqayn kari waynay. Xoghayaha dawladda hoose oo jooga oo Sharcigu u oggol yahay inuu fadhiyada Golaha fadhiyo ayuu yidhi ka saara Hoolka, mar ay noo timi Hay’adda UNICEF shalay (Dorraad) oo aannu arrimo biyaha iyo waxaas la xidhiidha ka wadahadlaynay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Kibaar oo sii watay jawaabta uu su’aashaas ka biiyey.

Sidoo kale, mar uu ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay Guddoomiyuhu maaddaama oo uu Masuulkii ugu sarreeyey ee gobolka yahay inuu Golaha deegaanka la shiri karo oo ay isa fadhiisan karaan si uu hawlohooda iyo wada shaqaynta ka dhaxaysaba ula socon karo, markaa waxa ay tahay sababta uu u diiddan yahay taas, waxa uu yidhi; “Waa sax wada-shaqayn baa naga dhaxaysa, waannu wada shiri karnaa, wuu noo yeedhi karaa, waanu noo iman karaa, waxna waan is-weydiin karnaa, laakiin Sharciyan Shaqada waannu kala leenahay, Shaqadayada marku faro-geliyo ee uu Xoghayaha Sharciga ah ee saddexda Xubnood ee Fulinta ka tirsan dibedda u saarayo, waa awood dheeraad iyo faro-gelin, arrimo badan oo kale oo aanan immika doonayn inaan ka hadlo oo deel-qaaf ah oo Guddoomiyuhu nagu hayaana way jiraan, markaa intaas baan kaaga sheegi karaa.”

WARKAN OO FAAHFAAHSAN, KA AKHRISO HALKAN