Badhasaabka Gobolka Maroodijeex oo Hanjabaad adag u diray Kooxo Dhalinyar ah oo Rabshado ka sameeya xaafadaha Caasimada

Hargeysa (SLpost)- Badhasaabka gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare), ayaa ku gooddiyey inay xabsiyada caasimadda ku guri doonaan cid kasta oo ka qayb-qaadata falalka ammaan-darrada ah ee kooxaha dhalinyarada ahi wakhtiyada habeenkii ka dambeeyaan xaafadaha Hargeysa, waxaanu waalidiinta ugu baaqay inay xakameeyaan ubadkooda.

Badhasaabka Maroodijeex Maxamuud Cali (Jeeniyare) oo ka war-bixinayey hawl-gallo muddooyinkii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee caasimaddu kula dagaalamayeen rabshado iyo boob kooxo dhalinyar ahi xilliyada habeenkii ka geystaan magaalada, waxa uu ammaan u jeediyey taliyeyaasha ciidamada bilayska oo uu sheegay inuu ku amaanayo sida ay had iyo jeer ugu heelan yihiin ilaalinta amaanka caasimadda, iyada oo   todobaadyadii u dambeeyey ay dadweynuhu si aad u hadal hayeen dhalinyaradda rebashadaha dhaca iyo boobka ah habeenkii ka gaysta caasimadda.

Badhasaabka Hargeysa“Ma ogolaanayno in qof shacabkayaga ah oo nabad dhulkiisa ku jooga Rag iyo Dumar ba in la dhibaateeyo, oo Wiil yari diriiqyada isu taago oo mobiladda ka qaado, waxaanu leenahay waalidiinta haddii aydaan ceshan Wiilashiina waanu qaban doonaa, waxaana la gayn doonaa maxkamadaha, wadanka dawlad baa ka jirta lama ogola innan yar oo rebshad sameeya.

Ubadkayagii weeyaan Alle ha barakeeyo laakiin waalidiinta wax badan baanu u sheegnay waxaanu leenahay inamadiina rebshadaha samaynaya ceshada, haddii aad ceshan waydaana xabsiyada ayaanu ku edbin doonaa, waxaanu ku celcelinaynaa in waalidku ka war hayo ubadkooda,” sidaas waxa yidhi Badhasaabka gobolka Maroodijeex oo warabaainta ugu warramayey xafiiskiisa shalay.

SOMALILANDPOSTNET