Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Amar Cusub Kusoo Rogay Isticmaalka Gaadiidka Dawladda

Boorama, (SLpost)- Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa amar kusoo rogay isticmaalka gaadiidka dawladda, isagoo wareegto kusoo saaray inaan suuqa lagu arki karin gaadiid dawladdeed wixii ka dambeeya xilliga shaqada.ramaax

Guddoomiye Ramaax oo shalay soo saaray amarka ayaa ku sababeeyay inuu yahay mid nabadgelyada kor loogu qaadayo, isla markaana lagu ilaalinayo hantida dawladda.

Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Gaadiidka dawladda laga bilaabo maanta (shalay)  waxaan idiin sheegayaa laga bilaabo labada duhurnimo in lagu soo xareeyo xerada ciidanka birmadka oo noqonaya haddii hawl looga baahdana gaadiidka la isticmaalayo, haddii kalena nabadgelyada si aynu u sugno in gaadiid dawladdu leedahay oo suuqa wareegayaa aanu jirin laga bilaabo saacadaha shaqada marka laga baxo , wixii gaadiid ah ee hawl yeeshaana ay fasax u qaadan doonaan.”

Somalilandpost.net