BADHAN: Arday ku Sumowday Curiyeyaal Kiimiko ah oo ay Si khaldan u Isticmaaleen iyo Xaalad Biyo la’aaneed oo ka taagan

Badhan (SLpost)- Sideed arday oo wax ka barta Dugsiga Sare ee Maxamud Cali Shide  ee Magaalada Badhan, ayaa noloshooda khatari la soo deristay kadib markii ay si Khaldan u Isticimaaleen Curiyeyaal Kimiko ah oo yaalay qaybta Shaybaadhka ee Dugsigaas.

Maayarka Magaalada Badhan Faysal Cabdilaahi Faatax oo maanta khadka telefonka ugu warramay wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa xaqiijiyey dhacadan isaga oo sheegay in siddeeda arday Saddex ka Mid ah uu naqasku ku dhagay, Xaaladoodu Culus tahay isla markaana magaalada Ceerigaabo loogu doonay Ogsojiinta naqaska.

BadhanMaayarka Magaalada Badhan waxa uu baaq u diray Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland oo uu ka dalbaday inay gar-gaar deg deg ah la gaadhaan.

Dhinaca kale Maayarka Magaalada Badhan waxa uu walaac ka muujiyey xaalad biyo-yaraan ah oo ka taagan degmada Badhan iyo deegaamada ku xeeran, waxaanu uu xusay in biyo yaraantaasi sababtay kor u kac ku yimi Qiimaha Biyaha oo laga soo dhaamiyo Ceelal aad uga durugsan magaalada. Maayarku waxa uu sheegay in Qiimaha Foostada biyaha ahi marayso Wax u dhigma Lix dollar, waxaanu Xukuumadda iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee kale ka dalbaday inay gurmad la gaadhaan dadka iyo duunyada ku nool magaaladaas iyo deegaamada ku xeeran.

SOMALILANDPOST.NET