Badhaadhihii kooxaha Chelsea iyo Tottenham Werwerkii Arsenal iyo Bolton

SLpost Sports – Ciyaaryahan Frank Lampard ayaa saddexley dhaliyay halka Daniel Sturridge uu isna laba gool ka dhaliyay kooxdiisii hore, iyadoo Chelsea ay shan gool iyo gool ku dubatay kooxda Bolton oo marti loogu ahaa garoonka Reebok.

Lampard ayaa noqday ciyaaryahankii afaraad ee Chelsea u safta horyaalka 350 kulan, waxaana uu sidoo kale soo bandhigay inaysan weli ka dhamaanin ka dib markii uu qaybtii hore ee ciyaarta uu laba gool ka dhaliyay, kooxda martida loo ahaa oo qaab- ciyaareedka uu ka dhunsanaa gabi ahaanba. Sturridge ayaa sidoo kale isna laba gool kale ka dhaliyay, taasoo ka dhigtay inChelseaay 4 gool iyo waxba ciyaarta ku hogaamiso ciyaarta oo mareysa 27 daqiiqo.

Waa markii ugu horreysay ee Premier League ee ayChelseaafar gool dhaliso 30ka daqiiqo ee ugu horreysa ciyaarta. Ciyaaryahan Strurridge ayaa goolkiisii hore waxa uu ahaa goolka ugu dhaqsiyaha badan ee la dhaliyo xilli-ciyaareedkan isagoo ku dhaliyay hal daqiiqo iyo 32 ilbiriqsi, laakiin taasi ma aysan waarin sababtoo ah ciyaaryahanka kooxda Fulham Andy Johnson oo haatan ay ciyaarteeda socoto ayaa gool ugu furay Fulham hal daqiiqo iyo 29 ilbiriqsi isaga ayaana dhaliyay goolka ugu dhaqsiyaha badan ilaa iyo haatan xilli-ciyaareedkan. Inkastoo kooxdaBoltonuu gool u soo celiyay Dedryck Boyata, hadana Frank Lampard ayaa quusiyay markii uu dhameystiray Hat-trick-giisa. Waa seddexleeydii 3-aad ee Lampard uu ka dhaliyo Premier League.

Sidoo kalena waxa uu Bolton ka dhaliyay intii uu ka hor imaanayay Premier League 11 gool, waana kooxda ugu badan ee uu gool ka dhaliyo Super Frank. Kooxda Bolton ayaa fadhisa halka ugu hooseysa ee kala sarreynta horyaalka, halkaChelseaay u dhaqaaqday kaalinta 3aad waxaa ay saddex dhibcood ka danbeysaa Manchester United iyoManchesterCity.

Dhinac kale, Sannadguuradii 15aad ee Arsene Wenger uu macalin u ahaa Gunners ayaa waxaa lagu xusay guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaadhay kooxda Tottenham oo marti loogu ahaa garoonkeedaWhite Hart Lane. Guuldaradan ayaa waxa ay ka timid kubad uu meel ka soo tuuray Kyle Walker oo uu goolhaye Wojciech Szczesny badbaadin karay, waxaana Gunners mar kale ka muuqday inay dhanka difaaca ka liitaan, iyagoo haatan leh 7 dhibcood 7 kulan oo ay ciyaareen, waana dhibcihii ugu yaraa ee iyadoo waqtigan la marayo ay helaan Arsenal muddo haatan laga joogo 36-sanadood.

Gunners ayaa gool lagu yeeshay daqiiqadii 40aad markii uu Rafael van der Vaart shabaqa ka lulay, waana goolkiisi afaraad ee uu ka dhaliyo North London Derby. Arsenal ayaa goolkaasi ka jawaabtay qaybtii dambe ee ciyaarta markii uu u barbareyay Aaron Ramsey, laakiin waxaa quusiyay ciyaaryahan Kyle Walker oo goolkii guusha ka dhaliyay ciyaarta oo ay dhimantahay ku dhawaad 15 daqiiqo. Natiijadan ayaa waxa ay keeneysaa in Spurs ay soo gasho kaalinta 6aad iyagoo shan dhibcood ka horreya Gunners, welina kulan uu baaqi u sii yahay, 15 sanno ka dib markii Arsenal macalin ka ahaa Arsene Wenger haatanw Arsenal waxa ay ku jirtaa kaalinta 15aad iyadoo laga badiyay kulankoodii afaraad.

Somalilandpost.net

Sports News Desk