Badbaadada Dimuqraadiyada Xarku galey iyo Baahida Xisbi Qaran oo Afraad

 

 

Hay’ada“International Crisis Group” ee saldhigeedu yahey magaalada Brussels, Xarunta Midowga Yurub ayaa maqaal ay soo saartey bishan 5-dii ku soo badhigtey faalo dheer oo ka hadlayso guulihii Somaliland ka gaadhey dhanka dimuqraadiyada, nabadgelyada iyo horumarka dhaqaale. Faaladan ayaa sidoo kale laguu soo bandhigey carqaladaha maanta hortaagan dhisida Qaran Casri oo ka hanaqaada Mandaqada Geeska Afrika, ee dunida inteeda badan ugu suntan Goob xasilooni daro, burbur dhaqaale iyo dawlado fadhiid ah aafeeyeen.  Waxaaney Hay’adu warbixinteeda ku tidhi: «Somaliland’s hybrid system of tri-party democracy and traditional clan-based governance has enabled the consolidation of state-like authority, social and economic recovery and, above all, relative peace and security but now needs reform»

 

Haddaba marka maaqalkan, oo ka kooban 23 bog fariimaha u xambaarsan la fiiriiyo, muxuu noqon karaa isbedelka siyaasadeed ee shacabka Somaliland u heelanyihiin maanta, si ay himiladooda fog u gaadhaan. In badan ayaa dhegaha shacabku maqleen  xisbiyada Mucaaridka iyo xisbiga maanta talada Dalka haya (markii uu mucaaridka) oo ku doodaya in Somaliland u baahantahey isbedel Siyaasadeed, iyagoon marnaba cadeyn nooca u yahey isbedelka ay marwalba sheegaan.

 

Maanta, oo xaalada Siyaasadeed ee dalku mareyso kala-Guur, waxay  ila tahey in isbedelka Somaliland u baahantahey saldhig u noqdo Distoorka 15 jirsadey oo dhamaantii dib u eegis mugleh lagu sameeyo, lana qabyo tiro. Distoor Dal oo dib u habeyn lagu sameeyaa mahaa arrin dhib yar, waayo waxey u baahantahey maal faraban, wacyigelin badan, shacabka oo aragtiyadooda la ururiyo iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha Distoorka oo la hawlgeliyo. Haddii aynu isbedelada loo baahanyahey ka soo qaadano qodobka ugu muhiimsan ee u baahan in Distoorka lagu daro, waxey ila tahey in tirade Xisbiyada Qaranka la kordhiyo, laguna daro Xisbi 4-aad, doorashada Madaxweynahana laga dhigo laba wareeg, tiiyo wareega hore yahey isreebka kowbaad, wareega labaadna isku soo hadhaan labada musharax ee ugu codka bata, halkaasna ku guleysto musharaxa hela codka muwaadiniinta ee badnaashaha Buuxa(Absolute Majority, 51%).

 

Marka shacabka Somaliland isku waafaqo in Xisbi Qaran oo 4-aad baahi loo qabo, waxaa mudan in la isweydiiyo maxey yihiin faa’idooyinka siyaasadeed ee u soo kordhin karaa Xisbi Qaranka oo 4-aad? Halgan dheer kadib, shacabka Somaliland, bishii may 18-dii 1991, shirkii Magaalda Burco ka dhacey wuxuu ku go’aansadey in u Qaran madaxbanaan noqdo, isagoo qaatey nidaamka dimuqraadiga ah ee wadamo badan oo Dunida ah isku maamulaan. Iskastoo nidaamka dimuqraadigu noocya badan yahey, haddana Somaliland waxey qaadatey nidaamka la yidhaa “ Presidential Regime”. Nidaamkaa oo ah in awooda ugu sareysa shacabku u igmado Madaxweyne iyo Ku-Xigeenkiisa oo doorasho xor iyo xalaal ah lagu doorto. Somaliland way ku nagaadey nidaamkaa lagu soo doortey labadii Madaxweyne ee u dambeeyey ee Dalka soo xukumey(Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud), kadib markii Distoorka aynu maanta ka hadlayno lagu ansixiyey afti dadweyne muddo haatan laga joogo 15 sanno. Maadama Somaliland qaadatey nidaamka Madaweynaha toos shacabku u doortaan, waxaa maanta mudan in shuruucda nidaamka la qaatey si dhab ah loo dhameystiro, laguna cadeeyo Distoorka dalka. Shuruucda ugu muhiimsan ee nidaamkan leeyahey waxa kow ha ah, in Madaxweynaha la caleema saaraa ku soo baxo cod shacab oo aqlabiyad ah, taas oo macnaheedu yahey in saamiga u Madaxweynuhu ka helay codbixiyaasha uu noqdo 51%. Marka la fiiriyo labadii doorasho ee Dahir Rayaale Kaahin ku guleystey iyo doorashadii Axmed Maxamed Maxamuud ku guleystey, midina ma waafaqsana Nidaamka ay Somaliand qaadatey. Waxaana la odhan karaa waa sababaha ka midka ah in Madaxweyne kasta oo talada dalka qabtaa u kala kulmo shacabka mucaaridad xoogan, maadama aanu heysan aqlabiyadii codbixiyaasha, 51%. Faa’idaaoyinka kale ee Xisbi Qaran oo 4-aad soo kordhin karo waxaa ka mid ah in bulshada Somaliland oo maanta u badan dhalinyaro ay ku soo dhiiradaan ka qeybgalka saaxada siyaasadeed ee wadanka maadama ay xulashadoodi korodhey. Dhanka kale marka ololoha doorashada la galo waxa hubaal ah in ereyada xanafta leh, shaqsi dhaleycaynta iyo gefkuba yaraadan oo ololaha lagu galo dhowrsanaan, maadaama musharax kasta maanka ku hayo in ay adagtahey guusha oo uu hantiyaa wareega kowbaad. Marka wareega labaad loo gudbo labada musharax ee ugu codka yar waxa u furnaan doonta in ay codkii ay heleen iyo barmaamijkii ay wateen ka iibiyaan labada musharax ee wareega labaad u gudbey, dawlada qaabkaa ku timaadaana waxey ku hawlgeli doonta fulinta laba barmaamij iyaado heysata aqlabiyad ay ku fuliso hawlaheeda, waana faa’idooyinka laga dhaxli karo nidaamka doorasho ee labada wareeg ah. Nidaamka doorasho ee noocaas ah waxa kale oo u xakameyn karaa saameynta qabayaaladu ku leedahey siyaasada dalka maadamna muwaadin kasta fursad u heley in u codkiisa kobaad siiyo xisbiga u doono, tiiyo gorgortanka wareega labaadna ku koobnaan doono xisbiyadii loo codeeyay, muwaadinkuna halkaas ku helo fursad labaad oo ku codeeyo.

 

Maanta marka xaalada Siyaasadeed ee dalka loo kuurgalo waxa muuqata in muwaadiniin badan saluug ka muujinayaan habdhaqanka 3-da Xisbi Qaran ee jira. Dhalinteena maantana  waa hubaal in ay ku jiraan rag karti, garasho, aqoon, iyo daacadnimo leh ay ku abuuri karaan qorshe iyo barmaamij siyaasadeed oo dalka u horseedi kara barwaaqo dhinac walba ah.

 

Musharaxa ku dhiirada in uu barmaamijkiisa siyaasadeed ku darsado kordhinta Xisbiyada Qaranka, waxa marag ma doon ah in uu quluubta muwaadiniin badan kasban doono.

 

 

Waa Bilaahi Towfiig.

Maxamuud-Yaasin Cabdillahi Ciro.

Brussels.

Mederka@hotmail.com