Badbaadada diineed ayaa ka mudan bayhoofka nololeed

Sanado badan ka hor waxay isku taxaluujiyeen dad badan oo qaraabadayda ah kuna sugan waddamada galbeedku, inay yurub si uun ii geeyaan, isku dayo dhawr ah ayaan suuroobin, ugu danbeyna waxa aan anigoo Ramadaan 2001 dii ku ictikaafsan Xaramka ku ducaystay “In Alle qalbigayga ka saaro jeclaanshaha dhulkaas gaaladu beedka dhigatay ee ay ka taliso”, ducadaas sida aan dareemay waa layga aqbalay oo Alle qalbigagya ka saar meeshaas, isku day danbena iguma soo dhicinba.

Waan u safray wadamo badan oo Afrika, carabaha iyo eeshiyada kaleba leh, sifo sharci ah ayaan ku qaatay sharciyadooda dhawr dal, ha ahaatee inaan meel aan dalkayga hooyo ahayn sheegtaa, waa arin ila qadhaadh.

Ku dhex noolaanshaha gaalada iyo ku negaanshaha dhulkoodu waa arin khatar diimeed oo cawaaqib xumo badani ka dhalan karto leh.

Waan ogahay in culimo badani joogto, in badan oo ka mid ahna aanu is naqaano, walaaladeyna waaba ka mid culimadaas, waan ogahay in ijtihaadaad culimo iyo fatwooyin ay leeyihiin laysku maaweeliyo, hase yeeshee fatwooyinka culimadu dhammaantood shuruudo ayey u xidheen arintan, sidase muuqata shuruudda lama eego ee sheekh hebel baa fatwooday ayuunbaa dhegta ku dhacda, waa inta arintan diin ahaan u eegtay ee dareenkooda imaandhawrasho nool yahay.

Walaalaha jooga dhulalkaas Yurub, Mareykan, Canada, Austareeliya —, waxaan xasuusinayaa inay raadka danbe ee ubadkooda ka fekeraan, caqiidadoodu meel ay ku badqabi karto oo dhulkoodii hooyo ah ku abuuraan u soo noqoshadiisa, ogsoonaadaan ilmaha kaa danbeeya ee aad awowga u tahay hadduu gaaloobo in Alle kugula xisaabtami doono, waayo adigaa geeyey meeshaas, gaalnimadiisa iyo xummaanshihiisana fududeeyey.

Hadday duruuf nololeed, mid amni iwm ahi ku geeyeen meeshaas, inaad hoy nabadeed oo negaadin leh u qaadataa waa halis, ka wayn taad ka oroday.

Dhacdooyinka qalbigayga ku suntamay ee mustaqbalka halista ah ifafaalaheeda muujina ayey xasuustoodu had iyo jeer i dhibtaa.

Waa iga talo ay lexejeclo iga keentay iyo weliba xasuusin.

Ruux kuu danqanayaa dantaada ka taliya.

Allow soomaali diinteeda iyo dadnimadeeda u dhowr.

Cabdiqaadir Badar