Baashe Oo Ka Hadlay Mooshin la Hor Keenay Shirguddoonka

 

Hargeysa(SLpost) -Kusimaha guddoomiyaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in mooshin 30 mudane soo gudbisay hor yaalo shir guddoonka. Mooshinka oo xildhibaannadu ku dalbanayaan sidii golaha wakiillada fadhi degdeg ah la iskugu yeedhi lahaa, si golaha loo horkeeno cidii amartay inaanay wasiiro iyo xildhibaano Kulmiye ahi qado sharaf ku samaysan Karin hotelka Maansoor.

 

Guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada oo xalay telefoonka ugu waramay telefishanka Royal waxa uu sheegay in arrinta mooshinka dhinac kale looga wareegi doono, balse aan golaha la iskugu yeedhi doonin “Arrintaasi [Mooshinka] Way jirtaa oo xildhibaanno soddomeeyo ah baa noo soo gudbiyey,” ayuu yidhi mudane Baashe.

 

Waxa uu intaasi raaciyay “ Xildhibaannadu dhammaantood waxa ay ka tirsan yihiin Xisiga KULMIYE waxaanay mooshinka  kaga hadlayeen ayaantii dhawayd ee hudheelka maansoor qadada ay ku samaysanayeen xildhibaannada iyo wasiirrada taabacan Musharraxiinta Maxamed Biixi iyo Kijaandhe iyo Samaale kuwaas oo loo  diiday in ay hudheelka galaan oo la yidhi askar baa timi. Waxaase aan kuu sheegayaa in aan fadhi caadi ah la isugu yeedhayn golaha laakiin wada hadallo ayaa noo socda annaga iyo xildhibaannada soo gudbiyey mooshinka, wada hadalkaas oo aan doonayno in wixii jira aanu banaanka ku dhamaysanno, maadaama oo xiisaddii iyo khilaafkii ka dhex jiray KULMIYE uu dhammaaday, waxaana aanu doonaynaa in aanu khilaaf kale bilaabmin sidaas darteed aanu dibada ku dhamayno wixii jira”.

 

Baashe oo la waydiiyay bal inay cidii amarkaasi bixisay wada hadal la gali doonaan ayaa ku jawaabay  “ marka aanu  annagu wada hadalno wixii nooga soo baxa ayaanu iyagana si qabaw ugu tegi doonaa oo aanu wada hadal la yeellan doonnaa”.

 

Xisbiga Kulmiye ayaa shalay ka heshiiyay xiisaddii u dhexeysay ee labada garab u qaybisay wasiirada iyo xildhibaannada Kulmiye, kuwaasi oo la kala saftay musharaxiinta loolamaysa.