Baashe Maxamed Faarax Oo Soo Dhaweeyay Inuu Cali Khaliif Wadahadalada U Soo Dabco

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyay in Cali Khaliif Galaydh uu ogalaado inuu wadahadalo la galo Somaliland.

Waxaanu sheegay inay Somaliland diyaar u tahay horena dhawr jeer ay baaq ugu dirtay isaga. Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu soo dhaweeyey wadahal xukuumaddu la yeelato Cali Khaliif Galaydh. “Wadahadalku waa wax fiican, qof walba waxa dan u ah in la wadahadlo, Cali waan maqlay inuu yidhi wadahadal baannu Somaliland la furaynaa, waa wixii aan raadinaynay, dadka bina’aadamka ahna waa in ay wada hadlaan, markay wadahadalaan uun bay is afgartaan, marka aad baan u soo dhawaynaynaa hadalkaas uu odayga Cali Khaliif yidhim”

Guddoomiye Baashe oo la waydiiyey waxa xilligan ku beegay in Cali Khaliif Galaydh ogolaado inuu wadahadal la yeesho Somaliland waxa uu ku jawaabay; “Kuma odhan karaayo waxaasa keenay, laakiin Cali waa nin oday ah, waqtiga uun baa keenay, Somaliland toban jeer bay ku celcelisay, in badana waynu ku celcelinaynay in aynu doonayno in aynu wadahadal la furno, marka wadahadalkii aynu doonaynay ayuu ka soo jawaabay, aad baannu u soo dhawaynaybaa, waanannu ka hawlgalayna sidii wadahadalkaas si dhakhso ah loogu bilaabi lahaa.”