Baashe Maxamd Faarax Iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Deegaanka Qoriiley

 

Laascaanood(SLpost)-  Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa gaadhay degaanka Qoriiley oo ku yaala koonfur-bari gobolka Sool, halkaasi oo shaqaaqo dhawaan ka dhacday.

 

Beelo wada dega Koonfurta bari ee Laascaanood ayaa dhawaan halkaasi ku dagaalamay, waxaana la sheegay in ilaa 14 qof ku dhinteen dagaalka. Colaada beelaha ayaa la sheegay inay muddo soo jiitamaysay, waxaana doorkan maamulka heer gobol ee Sool iyo odayaasha degaanku sheegeen in beesha weerarka gaysatay ay taageerayeen ciidamo Puntland ka soo talaabay.

 

Wariyaha warbaahinta qaranka Somaliland u qaabilsan gobolka Sool, ayaa ku soo waramaya in guddoomiyaha si diiran loogu soo dhaweeyay degaanka Qoriiley islamarkaana uu kulamo la qaatay waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee degaanka colaadu ka dhacday, isagoo ku booriyay inay ammaanka degaanka ilaaliyaan.

 

Guddoomiye xigeenka ayaa bogaadin u diray cutubyo ciidanka qaranka Somaliland ka tirsan oo ku sugan degaannada Qoriiley iyo Karin, waxaanay halkaasi u joogaan daminta shaqaaqada dhawaan ka dhacday iyo sugidda amaanka, kadib markii halkaasi lagu sheegay ciidammo ka soo talaabay maamulka Puntland.

 

Degmada Qoriiley ayaa 70km koonfur bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xurunta gobolka Sool, halkaasi oo la filayo inuu maalmaha soo socda ku sugnaado weftiga Baashe. Waxaa sidoo kale weheliya guddoomiye xigeenka wasiir kuxigeenka caddaaladda iyo masuuliyiin ka mid ah madaxda gobolka Sool.