Baarlamanka UK oo Sharci Cusub ka soo saaray Lacagta Caydha ee la siiyo dadka aan Shaqada haysan

London, 1 March, 2012 (SLpost)- Baarlamanka dalka UK ayaa ansixiyay Sharci Cusub oo Xadidi doona lacagta Caydha ee la siiyo Qoysaska aan shaqada hayn ee ku nool Wadanka UK waxa uu sharcigani u ogolaanayaa in Qoysku qaato Kow iyo Afartan Kun oo dollarka Maraykanka ah Sannadkii.

Dawladda Ingriiska ayaa iyadu waxay dhib  kala kulantay  ansixinta sharcigan , iyadoo  uu dhaleeceeyey qaraarkan  aqalka sare ee barlamaanku Uk ,isla markaana ku tilmaameen xadiditaankani mid dhib  u keeni doonto  dadka saboolka ah .

Ra’iisal wasaaraha  Ingiriiska David Cameron , ayaa sheegay in sharcigan  cusubi uu meesha ka saari doono in ay dadku weligood lacag ka sugaan dawladda oo aanay shaqaysan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net