“Baarlamaankii iyo xukuumaddiiba way saaqideen, waxa loo baahan yahay dawlad midnimo qaran ah” Guddoomiyaha UCID

Hargeysa, (SLP)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tahay dibu dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada oo la filayay inay qabsoonto badhtama sannadkan.faysalow

Faysal Cali Waraabe oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa dalalka Yurub, isla markaana warfidiyeenada kula hadlayay madaarka magaalada Hargeysa ayaa xusay inay soo dhisi doonaan dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. “Doorashooyinki inay waqtigoodii dhacaan ayay ahayd, laakiin dibbay u dhaceen, waxaana keenay dibu dhacaas oo dembigeeda leh wakiillada. Markii aanu shirnay saddexdayada xisbi bishii February ciddii diiday wixii aanu ku heshiinay waa la ogyahay, ciddii kicisay baarlamaanka ee tidhi doorashada dib u dhiga waa la ogyahay.” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

“Waxa loo baahan yahay in shir la isugu yimaado, waxa loo baahan yahay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso, waa danta dalka todobaatan wasiir iyo ku-xigeen looma baahna, maxay qabanayaan? Reerbaa lagu maslaxayaa, qaran iyo reerna meel ma wada mari karaan, markaa waxaan u arkaa inay fashilmeen waaxyihii aynu dooranay, baarlamaankii wuu saaqiday, xukuumaddii way saaqiday, talaa loo baahan yahay in la isugu yimaado wax sidii aynu doonaynay u shaqaynayaa ma jiraan, wax sharci ku shaqaynayaana ma jiraan cadawgeeniina waa diyaar.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost.net