Baarlamaanka Ukrain oo Kulmaya iyo Madaxweynihii dalkaas oo la waayey

Kiev(SLPOST):- Baarlamaanka Ukrain ayaa kulmaya si ay uga tashadaan mustaqbalka siyaasada,

_ukraine_parliament_8

maalin kadib markay u codeeyeen inay xukunka ka qaadaan Madaxweyne Viktor Yanukoviych kadib muddaaharaadyo lagaga soo horjeedo oo dalkaas ka dhacay, isla markaana uu baxsi isku deyey.

Telefishinka Ukrain, ayaa sheegay in xildhibaanada ay ka doodayaan magacaabida Ra’iisalwasaare iyo dowlad ku meel gaar ah, ka hor doorashada madaxweynenimada ee dhici doonta May.

Lama oga meel uu jiro Madaxweyne Yanukovych, wuxuu tallaabada Baarlamaanka ku tilmaamay mid afgambi ama xukunka lagaga qaaday. Sabtidii shalay ilaalada xuduudda, ayaa lagu soo warramayaa inay ka hor-istaageen inuu diyaarad ku galo dalka Ruushka.

Dagaallo maalmo socday oo u dhaxeeyay dadka muddaaharaadaya iyo Ciidammada ammaanka dalkaas, ayaa dilay in ka badan siddeetan qof. Fagaaraha xorriyada oo dadku isugu imanayeen ayaa hadda deggan. Booliiska ayaa sheegay inay raadinayaan

laba Masuul oo ka tirsanaa dowladda.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland