Baarlamaanka Soomaaliya oo Kalsoonida kala Noqday Reysal-wasaare Saacid

news1Muqdisho (SLpost)- Baaralamaanka Soomaaliya oo maanta Codka kalsoonida ah u qaaday Raysal wasaaraha Somaliya Cabdi Shirdoon (Saacid) ayaa aqbalay in xilka laga xayuubiyo, waxaana reysalwasaaraha oo madasha ku sugnaa laga horjoogsaday inuu iska difaaco mooshinka xil-ka-xayuubinta ah ee lagu qaaday.

184 Mudane oo ka mid ah Xildhibaanadii fadhiga ka soo xaadiray ayaa u codeeyey in reysalwasaare Saacid baneeyo jagada isla markaana ay Xukuumaddiisu meesha ka baxdo, waxaana diiday afar iyo lixdan xildhibaan halkaasna waxa ku dhacday xukuumaddii Raysal Wasaare Saacid.

Khilaafkii u dhaxeeyey raysal wasaare Saacid iyo madaxweyne Xasan Sheeklh Maxamuud ayaa sidaas ku soo af-jarmay waxaanay guushu raacday Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo badan raysal wasaaraha ka dalabanayey in uu iscasilo balse ka diiday.

Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sharcigu siinayaa muddo bil gudaheed ah in uu ku soo magacaabo raysal wasaare cusub iyadoo mudadaad ay xilka sii hayn doonto Raysal wasaare ku-xigeenka koowaad isla markaana ah wasiirka Arrimaha dibeda Foosiya Yuusuf X Aadan.

Xil ka xayuubinta Madaxweyne Saacdid waxa Baarlamaanka ka soo codsaday Madaxweynaha kadib markii khilaaf xoogani soo kala dhex galay, waxaana maalmahanba socday loolan adag oo ay labada masuul ku kala jiidanayeen Xubnaha Baarlamaanka.

Wararka hordhaca ah eek a soo baxaya riditaanka Raysal wasaare Saacid ayay dad badani soo dhaweeyeen halka Guriga WASIIRKA Arrimaha dibedda isla markaan ah Raysal wasaaraha ku-meel gaadhka ah Foosiya Yuusuf X Aadan uu ka bilaabmay Damaashaad lagu soo dhaweynayo riditaanka Raysal wasaarihii hore Saacid.

SOMALILANDPOST.NET