Baarlamaanka Soomaaliya oo diiday in la isku xidho Qaadashada Baasaboorka iyo Warqadaha Aqoonsiga Muwaadinimo

Somalia(SLPOST)Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si buuxda u diiday in qaadashada baasaboorka Somaliga lagu xidho warqadaha aqoonsiga muwaadinnimo, kaddib markii xildhibaannada intooda badan ay sheegeen in dadku ay dhibaato ka soo maraan qaadashada warqadaha aqoonsiga.

Baarlamaanka9

Xildhibaanada ayaa laba maalmood ka doodayay sida laga yeelayo qaadashada kaararka aqoonsiga, iyaga oo ugu dambeyn u codeeyay in gabi ahaan qaadashada kaararka aqoonsiga la joojiyo.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ogolaaday in qaadashada warqadaha aqoonsiga la joojiyo, maadaama ay dadku dhib kala kulmaan Warqadaha aqoonsiga, laguna soo celiyo qaadashada baasaboorka Soomaaliga sidiisii hore ee loo qaadan jiray.

Xildhibaannada ayaa sheegay in qaadashada kaararka aqoonsiga aaney ahayn mid ku xidhan qaadashada baasaboorka oo keliya, balse dadka oo dhan looga baahan yahay inay yeeshaan kaararka aqoonsiga.

dhinaca kale Xildhibaanada ayaa sheegay in aaney ahayn in kaararka uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir oo keliya uu ku bixiyo Muqdisho, balse loo baahan yahay in dalka oo dhan laga bixiyo si sharciga ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland/office