Baarlamaanka Midowga Yurub oo la hor-dhigay Qadiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland iyo Kulan ka dhacay Brussels

Hargeysa (SLpost)- Kulan shalay baarlamaanka Yurub yeeshay, ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinkii Somaliland ka soo gaadhay midnimadii Soomaaliya, dhibaatada ka soo gaadhay dib-u-hanashadii madax-bannaanideeda iyo heerka qadiyadda aqoonsi-raadinta, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

eu3Qaddiyada Somaliland ku doonayso aqoonsi buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho ayaa xiligan noqotay mid heer caalami ah iyadoo shalayBaarlamaanka Yurub la horgeeyey Qaddiyada Madaxbanaanida Somaliland, ka dib markii ay halkaa gaadheen wefti balaadhan oo ka tirsan Dawladda, Aqoonyahanada iyo Ganacsatada dalkan, kuwaasoo kulankii Baarlamanka Yurub laga siiyey fursado hadal oo ay ku sharraxaan sidii ay Ku timid dib ula soo noqshada Madaxbanaanida JSL , marxaladihii loo soo maray iyo weliba waxyaabihii kaliffay inay shacabweynaha Somaliland oo midaysani go’aankaas qaataan.

HALKAN KA DAAWO