Baarlamaanka Ingiriiska oo ka Doodaya in Dalkooda Laga Mamnuuco Murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka

London (SLpost)- Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dood ka yeelanaya Isniinta beri cod ay saxeexeen in ka badan 5,000 (shan kun) oo qof, kaasoo lagu dalbanayo in waddanka UK laga mamnuuco murrashaxa cunsuriga ah ee ka dhex loolamaya xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Mr. Donald Trump.

Sida lagu baahiyey boga internet-ka ee telefishanka Al-jazeera oo wargeyska Maankaab soo xigtay xalay, mudanayaasha baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska (UK), ayaa u ballansan inay ka doodaan in murrashaxa ugu cadcad jagada madaxweynenimo ee xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga dalka Maraykanka loo diido inuu wax safar ah ku tago gudaha waddanka Ingiriiska inta noloshiisa ka hadhsan, iyadoo lagu haysto hadal cunsuri iyo nacayb ah oo uu ku sheegay in dadka muslimiinta ah laga joojiyo inay galaan dalka Maraykanka, arrintaasoo si weyn looga cambaareeyey guud ahaan caalamka.

Sharciga u yaal dalka Ingiriiska, ayaa waajibinaya in baarlamaanku dood ka yeelan karo codsi kasta (petition) ay saxeexaan muwaadiin dalkaas u dhalatay oo tiradoodu gaadhayso 100,000 (boqol kun) oo qof, balse, dadweyne gaadhaya ilaa 573,149 (shan boqol, saddex iyo toddobaatan kun, boqol, afartan iyo sagaal) qof, ayaa saxeexay codsi ay ku doonayaan in murrashaxa xisbiga Jamhuuriga laga mamnuuco dalka Ingiriiska.

Qaar ka mid ah dadka Ingiriiska ah ee codsigaas saxeexay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in dalabkoodii gaadhay baarlamaanka UK, isla markaana mudanayaashu dood ka yeelanayaan, iyadoo baarlamaanku diidi karaan ama taageeri karaan codsigooda la xidhiidha in murrashaxa Jamhuuriga ee dalka Maraykanka laga joojiyo inuu galo Ingiriiska.

Hasayeeshee, waxay sheegeen in go’aanka dadweynuhu cadyahay, kuna muujiyeen in aan marna la ogolaan qof ay afkiisa ka soo baxaan hadalo ku salaysan cunsuriyad, nacayb iyo jinsi-cayba, waxayna dadka codsiga saxeexay aaminsan yihiin inay waajibkooda guteen mar haddii dalbkoodii gaadhay baarlamaanka, doodna laga yeelanayo wax kasta oo natiijadu ku dhammaatana ogolaan doonaan.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa cambaareeyey hadalka ka soo yeedhay murrashaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, balse waxa uu ku dooday in aanu taageersanayn in siyaasigaas laga mamnuuco waddanka Ingiriiska, iyadoo siyaasiyiinta dalkaasi ku kala aragti duwan yihiin go’aanka laga qaadan karo ninka cunsuriga ah ee ku baaqay in dadka muslimiinta ah loo diido Maraykanka.

Xigasho Maankaab