Baarlamaanka Burundi Oo Ka Soo Horjeestay In Dalkooda Ciidamo Nabad Ilaalin Ah La Keeno

Burundi(SLpost)-Baarlamaanka dalka Burundi ayaa ka hor-yimi in ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika dalkooda la keeno, iyadoo tani ay imaanayso xilli xukuumadda dalkaas ay iyaduna horay uga digtay in ciidammo la keeno dalkooda iyadoo aan ogolaasho laga haysan.

Xildhibaannada dalka Burundi ayaa ku tilmaanay fara-gelin qorshaha Midowga Afrika uu ku sheegay toddobaadkii hore inuu 5,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah Burundi u dirayo, si ay u ilaalinayaan dadka rayidka ah.

Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Burundi ayaa ugu baaqay Xukuumadda dalkaas inaysan Midowga Afrika gacanta u gelin madax-bannaanida dalka Burundi, waxaana lagu macneeyay middaas inaanay dowladdu ogolaan in ciidammo nabad-ilaalin ah Burundi la keeno.

“Burundi waa nabad,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Burundi, Pascal Nyabenda, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee CNDD-FDD. Isagoo intaas ku daray. “Waa xaqiiqo in xaafado yar oo ka mid ah magaalada Bujumbura. Sidaas darteed uma baahin ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika.”

Mudanayaasha baarlamaanka Burundi ka tirsan ayaa iyagana ku eedeeyay waddamada reer galbeedka ah inay buunbuuninayaan rabshadaha ka jira dalkooda; iyagoo sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Burundi ay suuro-gal tahay inuu ka dhaco xasuuq.

jimcihii lasoo dhaafay ayay 54-ka xubnood ee ururka Midowga Afrika waxay isku raaceen in 5,000 oo askari loo diro dalka burundi , si ay u difaacaan dadka shacabka ah, isla markaana looga hor-tago inay rabshaduhu sii xoogeystaan. Laakiin, ku xigeenka afhayeenka madaxtooyada waddanka Burundi, Jean-Claude Karerwa oo warbaahinta la hadlay Axaddii ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka dowladda Burundi uu cad yahay, aysanna ogolaan doonin in ciidammo ka socda Midowga Afrika dalkooda la keeno.

“Haddii ururka Midowga Afrika uu ciidan keeno Burundi, isagoo aan wax ogoalasho ah ka haysan xukuumadda Bujumbura, taasi wuxuu micnaheedu yahay duullaan lagu soo qaaday Burundi, xukuumadduna waxay qaadan doontaa tallaabo ay ciidamadaas uga hor-tagayso,” ayuu Jean-Claude Karerwa hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi, Alain-Aime Nyamitwe ayaa u sheegay War-fidiyeenka Isniintii shalay ka hor goa’anka Baarlamaanka dalkaas, in xukuumaddu ay kalsooni buuxda ku qabto in ciidamada amniga dalkeedu ay howshooda qabsan karaan.

Magaalada Bujumbura ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee la soo dhaafay waxaa ka socday rabshado uu dhiig-badani ku daatay, kuwaasoo lagu dilay in ka badan boqolaal ruux, kuwo kalena ay ku barakaceen. Ugu dambeyntii, toddobaad ka hor ayay ahayd markii waddooyinka magaalada Bujumbura laga helay maydadka ugu yaraan 87-qof oo isugu jiray ciidammo iyo shacab, kuwasaoo ku dhintay isku-dhacyo ka dhashay weerarro lagu qaaday saldhigyo ay millateriga dalkaas ku leeyihiin duleedka Bujumbura.