Baaqa Kaadhadh Qaadashada Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Khilaaf Ka Dhex Dhalliyay Garabyada Xisbiga

 

Hargeysa(SLpost) – khilaaf hor leh ayaa shalay ka aloosmay talaabo uu Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye warbaahinta uga tabiyey xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, isagoo ugu baaqay in ay bilaabmi doonaan kaadhadh qaadashada shirka Golaha Dhexe 17-ka bisha, kuwaas oo uu ku xidhay inay keenaan xogtooda isla markaana sawiro laga qaadi doono.

 

Talaabada uu Xasan Siciid Shaaciyey ayaa dhalisay in sadex musharax iyo qayb ka mid ah hogaanka sare ee Kulmiye ka xanaaqaan, waxaanay shalay gurigiisa Jilbaha is dhigeen Madaxweyne ku-xigeenka iyagoo ka dalbaday in uu joojiyo baaqa Golaha Dhexe oo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo ay garabkoodu ku talaabsadeen, isla markaana waxay hor dhigeen inay tahay sharci daro abuuraysa kalsooni daro xiisad hor leh xisbiga ka dhex aloosi karta, siday muujiyeen xogo wargeyska Waaheen helay.

 

Sadexda Musharax iyo xubnaha hogaanka ah ee isku garabka ah ayaa Madaxweyne ku-xigeenka ugu hanjabay haddii uu joojin waayo talaabada ay isaga iyo kooxdiisu ku dhaqaaqeen inay garab ahaan ka tashan doonaan isla markaana uu xisbigu si weyn ugu qaybsami doono arrintaas, taasoo keeni doonta cawaaqib xumo uu masuuliyadiisa qaado.

 

Wararka xog ogaalka ah ee ka soo baxay kulankaas ayaa sheegaya in uu Madaxweyne ku-xigeenku arrintaas garawsaday, isla markaana uu joojinayo, hase yeeshee ilaa hada lama hayo war cad oo ka soo baxay, waxaanay taasi keentay inay qayb ka mid ah guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo garabka ka soo horjeeda Saylici iyo Guddoomiyaha Kulmiye ay xalay shir deg deg ah isugu yimaadeen, iyadoo la filayo inay qaataan go’aan ka soo horjeeda kooda.

Kulamadan ayaa ka dhashay baaq uu xoghaya guud isugu yeedhay Golaha Dhexe, waxaanay u muuqdaan kuwo dhaliyey dareen ah in  garab ka mid ah garabyada kulmiye af-duubtaan shirka Golaha Dhexe oo lagu dooran doono Musharaxa Xisbiga Kulmiye u tartami doona doorashada Madaxtinimada ee soo socota.

 

Shalay ayaa guddoomiye xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin, munaasibad ka sheegay in qaybo Kulmiye ka mid ahi doonayaan in shirka golaha dhexe guddi qabanqaabisa loo saaro “Qaar baa waxay yidhaahdeen shirka golaha dhexe guddi qabanqaabo ha loo sameeyo. Guddi qabanqaabo shirka golaha dhexe looma sameeyo waxa loo sameeyaa shirweynaha. Golahani waa afar boqol iyo midhadh Siilaanyo ugu xil weyn yahay. Ini waxay ku gashaa xilalka inna degaannada ayay ka timaad, liiskaas uun baana la naadinayaa,” ayuu isagoo intaas ku daray in shirkan guddoomintiisa uu kaliya leeyahay Muuse Biixi.

 

Somalilandpost, News Office