Baaq lagu doonayo antibiotic cusub

Hargeysa(SLpost)-Shirkadaha ugu waawayn ee sameeya daawooyinka ayaa ku baaqay dowladaha inay helaan hab cusub oo ay ku bixiyaan daraasaad la sameeyo laguna soo saaro antibiotic cusub.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay dadaal wadajir ah, oo wax looga qabanayo caabuqyada (infections) waa wayn si aad u badan aysan daawooyinka waxba ka tarayn.

Arrintan ayaa malaayiin adduunka qatar galinaysa. In kabadan siddeetan shirkadaha caalamiga ee daawada soo saara oo ay ku jiraan GSK, Pfizer iyo Johnson & Johnson ayaa saxiixay hadal wada jir ah ama baaq inay wax ka qabtaan caabuqyada (infections) aan daawooyinka wax ka tarayn.

Qorshahan ayaa lagu sheegay shirka Dhaqaalaha Adduunka ee la socda Davos.

Xigasho BBC