Baaq ku Socda Qurbajoogga JSL ee UK iyo Europe Guud ahaan – Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbejoogga

Qurbajoogga JSL ee dunida ku baahsani waxay taaariikhda dalkooda JSL ku galeen taageerada hiil iyo hooba ay la garab taaganyihiin hiigsiga horumar buuxa, aaya ka tashiga iyo  difaaca qaranimada JSL markasta iyo marxalad kasta oo dalku marayo.

 Sida aad la socotaan xukuumadda JSL  oo ku hadlaysa rabitaanka iyo doonista bulshada Somaliland ayaa ka qaybgalaysa shirka 23rd Feb ee lagu qabanayo dalka UK kana soo qaybgalayaan kooxaha Somaliya iyo dawladaha daneeya soomaalidu.

Waxa taas awgeed lagama maarmaan ah oo ay Wakaaladda Qurbajoogga JSL ugu baaqaysaa Qurbajoogga JSL ee ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo dhammaan dalalka kale ee Europe inay isu diyaariyaan bannaan bax salmi ah oo lagu muujinayoo taageeridda Xukuumadda JSL ee ka qaybgalka shirka UK, rabitaanka iyo doonista shacabka Somaliland ee qaran ka mid ah beesha caalamka iyo qaramada midoobay.

Waxan idin farayaa inaad haddii aad tihiin Qurbajoogga wadaniyiinta ah ee Somaliland u dhashay ee dalka UK iyo guud ahaan Europe si aan ka duwanayn bannaan-baxii 18th May 2011  aynu maantana ugu muujinno dawladda Ingiriiska ee shirkan martigelisay iyo dawladaha caalamka guud ahaan qadiyadda guunka ah ee Somaliland iyo sida uu qarankani u mudanyahay inay beesha caalamku aqoonsato bannaan-baxyo,  calanka astaanta u ah Somaliland iyo halku-dhegyada doonista bulshada Somaliland ee ictiraafka ay ka mudanyihiin dunida.

 

Guul – Gooni Isutaagga Somaliland

 

Saleebaan Maxamed Faarax

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL