Baaq: Jaaliyadda Beesha Maxamed Sh. Isaxaaq (Cimraan) ee dalka Norway‏

Anagoo ah Jaaliyadda Beesha Maxamed Sheekh-Isixaaq ee Cimraan, waxaan taageersanahay baaqii uu ka soo baxay London ee uu soo saaray Afhayeenka beesha ee Yurub Mudane, Rashiid Macalin.

Hadaba, Shir ay beesha cimraan ku qabsatay Oslo Norway 27.09.2014,waxay aad ugu cambaraynaayaa, sida uu siilaanyo u dhigay sami qaybisga qaranka iyo dhan ka rarnanshaha uu reerkiisa ku taxay xilalkii loo sinaan lahaa. sidaa daraadeed, waxaanu go’aan midaysan kaga soo horjeednaa mudo kordhin loo sameeyo dawlada uu hogaamiyo siilaanyo, waxaananu dhiiri galinaynaa in la qabto dooroshoyin xalaala wakhtigii loogu talo galay.

baaqSi aan ahayn sir, waxay beeshu xoog iyo dhaaqaleba galisay sidii uu xisbiga kulmiye iyo siilanyo talada dalka u hogaamin lahaayeen, taas abalkeedina waxaa uu noqday, dhabar u jeedin iyo wax la’aan sidaas awgeed, Beeshuna waxay talo guud isla garatay in aan mar danbe ku dhicin khiyaamadi kulmiye iyo siilanayo u maleegeen, codkooduna noqon doono ka lagu kala baxaayo.

 

Gudida Jahliyada Cimraan ee Norway

Cabdillaahi Cali Faarax                      Xubin

Maxamed Xasan Cismaan                 Afhayeen

Qaaddi Cabdi Cumar                         Gudoomiye

Farxaan Muuse                                   Xubin

Cabdillaahi Xaaji Oktoobar               Xubin

Cabdi Jaamac                        Dhaqaalaha