Baaq Hambalyo ah oo ku socda Madaxwaynaha JSL – W/Q: Eng Hussein Ibrahim

Eng HusseinAnigoo ah Eng.Hussein Ibrahim Buuni waxaan jecleystay in aan xalkan baaq hambalyen uuga diro Madaxwaynaha JSLN Mudane: Dr. Ahmed M.M. Silaanyo  kadib khudbadisii sanadeedka ee dirtooriga oo aan saaka oo ay taarikhdu ahayd 30/01/2013 kaga qayb galay Aqalka Baarlamaanka Somaliland taas oo uu ka horjeediyay dhamaan sadexda gole qarran ee guurtida,baarlamanka iyo golaha wasiirada,

Kadib khudbadisii ayaa waxaan jeclaystey in aan xalkan mahad naqayga kusaleeyo dib usoo celinta kootadii uu madaxwaynuhu hore uugu saaray guddi qaran in ay kaga soo talo bixiyaan sidii loo siin lahaa beelaha laga tirade badan yahay iyo haweenka Somaliland taason ku dhaliilnay gudidii in aanay cadaalad samayn inyada oo aanu tirsanaynay cadaalad daro saami qaybsiga ay kasoo talo bixiyeen gudidu hada baarlamaankii  ay hore u horjoogsadeen,

Kadib markii uu madaxwaynaha JSL arkay ama tajriibad kasameeyey in aanay beelahani kusoo bixi Karin cod ama doorasho kana maqnayeen saaxada golayaasha degaanka mudo ku dhaw  10kii sano ee ay golihii hore jireen wuxuu madaxwaynuhu go’aan saday in uu xil saaro gudi kasoo talo bixisa in kooto loo sameeyo iyaga iyo haweenka Somaliland ba

Waxaan cod dheer iyo cod gaabanba uugu baaqayaa baarlamaanka Somaliland in ay markan labaad arinkaas bilaa shuuruud ku ansiyaan,waxay doonayaan way meel marsadaan barlamaanku ,

Arintii furashada ururada siyaasiga waatii uu madaxwaynuhu u xilsaaray guddi qaran taas oo kusoo talo bixisay codkii shacabku in uu u batay in lafuro bilaa shuruud ayay ku ansixiyeen oo  hormoodka baarlamaanka ayaa doonayay in ay furtaan ururo siyaasadeed  waanay u h irgashay  waxaan uugu baaqayaa in ay arintan ay markii hore hor istaageen in ay hada bilaa shuruud ku ansixiyaan baarlamanka Somaliland.

Waxaan uugu baaqayaa bulshada aan kasoo jeedona in ay iyaga laftoodu arintan si wada jir ah aanu uuga wada shaqayno sidii horumar looga samayn lahaa kaqabgalka saaxada siyaasada

Waxaan sidoo kale madawaynaha uugu baaqayaa in uu ihtimaam gaar ah siiyo bulshadan kana soo qayb galiyo  golayaashiisa qaran kuwaas oo  ay  hada kamaqan yihiin  gaar ahaan golaha wasiirada sida uugu dhakhsaha badan .

Wabilaahi tawfiiq

Eng. Hussein Ibrahim Buuni

Email: hussein_ix@hotmail.com