Baanka Barclays oo Mar kale Waqti Dheeraad ah u Ogolaaday Shirkadda Dahabshiil

“Ingiriiska oo keliya 180 laamood ayaa nooga furan oo lacagta laga diro isku celcelintoodu tahay $200-300 kun doollar sannadkii oo ay ku nool yihiin dad masaakiin ahi… warqadda aannu ka helnay Barclays waxa ku qoran…” – Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil

London (SLpost)- Baanka gaarka looga leeyahay dalka Ingiriiska ee Barclays ayaa mar kale waqti dheeraad u ogolaaday wadashaqaynta kala dhaxaysa shirkadda Dahabshiil, iyadoo go’aan uu hore bangigu ugu gaadhay inuu xidhayo xisaabaadka xawaaladaha ay ka hadheen maalmo koobani.

Wadahadallo u socda Baanka Barclays iyo shirkadda Dahabshiil oo la xidhiidha wadashaqayntooda, ayaa mar kale madaxda Bangigu ku go’aansadeen inay muddo bil kale ah siiyaan wadashaqaynta ka dhaxaysa shirkadda Dahabshiil ee u fududaysa lacagaha ay ka dirto gudaha dalka Ingiriiska.

“In muddo laba bilood ah lagu xidho xisaabaadka Bangiga ay ku leeyihiin shirkaddaha xawaaladaha lacagta, taas oo naloo sheegay bishii May maaha mid cidnaba xal u ah. Bishii June waxaannu waydiisanay Bangiga Barclays inuu na siiyo muddo lix bilood oo dheraad ah si aannu u awoodno xal u helideeda, markaa waxa nala siiyey hal bi loo ku ekayd 12 bishan August. Haseyeeshee, maanta waxaannu helnay mar kale dib-u-dhigis ilaa dhammaadka bisha Septembe.” Sidaa waxa yidhi Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo waraysi uu la yeeshay Agaasimaha  Mac-hadka cilbaadhista Afrika (Africa Research Institute) Mr. Edward Paice.

Cabdirashiid iyo...Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu rajeeyey in wadahadalka u socda shirkaddiisa iyo Baanka Barclays oo muddo ka badan 15 sanno ay wada shaqaynayeen uu ka soo baxo heshiis ay muddo dheer oo kale ku sii wadasheeyaan, isla markaana waxa uu xusay in shirkadda Dahabshiil oo sharciga shaqada ka haysata dawladda Ingiriisku shaqo miisaan leh oo lagu qadariyo ka hayso dalkaasi. Waxaannu walaac ka muujiyey natiijada ka dhalan karta tallaabada uu qaatay Bangiga Barclays oo saamayn xun ku yeelaysa 40% dadka Soomaalida ah oo noloshoodu ku xidhan tahay lacagaha dibadaha ay uga soo diraan ehaladoodu, kuwaas oo ku xidhan kumanaan xarumood oo ka shaqeeya dhulalka Soomaalidu ku nooshahay.

“Arrintani Bangiga ayey la xidhiidhaa, laakiin dawladda Ingiriisku sharci aannu ku shaqayno ayey na siisay oo dalkan Ingiriiska oo keliya 180 laamood ayaa nooga furan oo lacagta laga diro. Markaa waxaannu leenahay wadahadal oo waxaannu rajaynaynaa in heshiisku muddo dheer noo socdo, haddiibase ay yidhaahdaan heshiiska ma sii wadayno mar walba shaqadayadu isma beddelayso ee waanu sii wadaynaa ilaa iyo inta aannu sharciga Ingiriiska haysanno, waayo Barclays iyo sharci dawladdu way kala duwan yihiin, waxaanna jira bangiyo kale oo wadahadallo noo socdaana way jiraan,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid oo waraysi ay la yeelatay shalay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA.

Waxa kale oo uu waraysigaasi kaga dhawaajiyey dadaal dawladda Ingiriisku xal ugu raadinayso arrintan, waxaannu yidhi, “Bangiga Barclays waa shirkad gaar loo leeyahay oo dawladdu ma laha, go’aankiisana wuu u madaxbannaan yahay, laakiin iminka dawladda Ingiriiska, hay’ado caalami ah iyo cid walba oo danaysa dadka Soomaalida arrintan way ka war haysaa, dawladda Ingiriiskuna way ka shaqaynayaa arrintaa oo  shir ay nagu martiqaaday annaga iyo shirkado kale iyo bangiyada ayaanu isugu nimi Baanka Barclays, markaa wadahadal wayn baa noo socda. Mar walba annagu haddii aannu nahay Dahabshiil waxaannu u heellanahay in dadka masaakiinta ah ee ku nool lacagta dibadda looga diro inay Isha Allaah sidaa joogtada ah Dahabshiil uga helaan.”

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in aan go’aanka Bangiga Barclays ee joojinta wadashaqayntoodu ahayn khalad ay galeen shirkad ahaan ee ay tahay arrin baanka u gaar ah sida ku cad qoraalka Bangigu siiyey, waxaannu yidhi, “Waxa xusid mudan warqadda aannu ka helnay Barclays 20-kii June waxa ku qornaa, ‘Fadlan fahma in go’aankayaga ka bixida xishdiidhkii ganacsi ee aannu idinla lahayn aannu ahayn khalad aad samayseen ama lacago sharci-darro ah oo aad dirteen amaba in aannu ramaysanahay in ganacsigiinu ku lug leeyahay hab-dhaqan dambiyo maaliyadeed. Haseyeeshee, waa go’aan ganacsi oo aannu qaadanay khatarta noocani leeyahay awgeed.”

“In ka badan $1.2 bilyan oo doollar ayaa loo xawillaa dhulalka Soomaalidu degto sannad kasta, waa kala badh dhaqaalaha dadka Soomaalida, qiyaastii $500 milyan oo doollar ayaa sannad walba laga xawilaa Ingiriiska, laamaha shirkadda Dahabshiil ee Ingiriiska waxaannu samaynaa boqolaal kun oo xawilaadood ah oo isku celcelintoodu tahay $200-300 kun doollar sannadkii,” ayuu hadalkiisa raaciyey Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

SOMALILANDPOST.INFO