Baahiyaha ku Gedaaman Dugsiga Hoose/Dhexe ee Abaarso iyo Mooganaanta Cidday Khusayso

 

AbaarsoAbaarso , magaalo yar oo dhinaca galbeed kaga beegan caasimadda Hargeysa ,waxay u jirtaa 19Km.  magaaladda waxa lagu cashuuraa qaadka soo gala waddanka waana xarunta labaad ee ku soo xigta magaalada Kalabeydh.Waxa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad 500 oo qoys, qoys kastana waxa gurigiisa ka soo baxa ubad yar yar oo u baahan waxbarasho, si aannay ugu milmin qaadka lagu cashuuro oo la hadhey in badan oo ka mid ahayd mustaqbalkii hore ee dhalinta Abaarso.Waxaa ku yaala laba masaajid, madarasad Qur’aanka lagu barto iyo laba dugsi oo waxbarasho kala duwan lagu qaato.

Dugsiyadda ku yaala waxa ka mida dugsiga dawliga ah ee Abaarso oo ah Dugsi hoose/dhexe isla markaana dhamaadkii 1999 ay Wasaaradda Waxbarashadu dhidibada u taagtey. Waxa kale oo isna Sanadkii 2009 laga aasaasey dugsiga caanka hada ka ah ee la yidhaa Abaarso Tech, kaas oo dhalinyar badan oo Somaliland ah deeqo waxbarasho ugu diray Wadanka dibadiisa .
Dugsiga Abaarso Tech waxa u taliya nin Ajaanib ah ,Dhaqaalaha ardayda laga qaadaana aad ayuu u culus yahay mana awoodaan in ay dadka bulshada ah ee degan Abaarso ay bixiyaan hadiiba ay isku dayi lahaayeen in ay hiigsadaan hanaanka wanaagsan ee Abaarso Tech yaala.

Si kasta ha ahaato e waxa dugsiga hoose dhexe ee dawlada ee Abaarso markii ugu horeysay sanadkii 2014 waxa ka baxay arday tiradoodu dhantahay 7 arday Sanadkan 2015 kana waxaa ka baxay 4 arday oo dhamaantood dhameystey dugsiga hoose/dhexe imtixaankana la fadhiistey wasaaradda waxbarashadda isaga oo dugsigu jiray mudo ka badan 15 sano .
Waxa kale oo xusid mudan in baahiyaha yaala darteed ayna ardayda magaalada abaarso ku nool u saamaxayn in ay ku dhamaystaan dugsiga hoose/dhexe Tuuladooda.

Waxyaabaha ugu mudan ee u baahan in farta lagu godana waxa ka mida.

  1. Macalimiin la,aan sidoo kalena macalimiinta joogtaa baahi weyn ayey u qabaan in tobobaro loo fidiyo oo la garab galo .
  2. . Dugsiga oo u baahan dib u dhis oo gabi ahaantiiba dhaawacyo ay ka muugdaan ,daaqadaha albaabada iyo sidoo kale gidaaradaba.
  3. Xayn-daab la,aan haysata dugsiga ,isla markaana dadka tuulada qaarkood ay u soo saxaro tagaan mar marka qaar.
  4. Biyuhu waa aas aaska nolosha ,meel aan biyo lahayna cidi ku noolaan karimayso in wax lagu barto iska daayoo , Dugsigu malaha biyo mana laha kharash loogu talo galay oo ardayda biyo loogu shubo .
  5. Dugsigu malaha Waashmaan ilaaliya agabka iyo guud ahaanba dugsiga.
  6. Sidoo kale dugsiga Abaarso malaha kuraas ku filan oo ardaydu ku fadhiistaan .
  7. Suuliyo na malaha ,mana laha waxyaabaha aas aaska u ah waxbarashada ee ardayga ku dhiiri galiya in uu si fiican wax ugu barto .

Sidaas daraadeed waxa meesha ka baxay in Jiilasha yar yar ee magaaladaasi ku soo hirtaan aaditaanka Dugsiga.taa badelkeeduna wuxuu noqday in dhalin yar badan oo wax baran lahayd ay u leexdaan in ay xamaalaan Qaadka lagu cashuuro Magaalada gudaheeda.Waxa kale oo ay keentay in ay dib uga dhacaan waxbarashada sidoo kalena waxa meesha ka baxday danayntii iyo ku dhiirashadii Aaditaanka dugsiga xaalada ka jirta awgeed.

“Macquul waxa ah in ay soo baxaan jiil jaahiliin ah oo garanaya uun sida qaadka loo xamaalo iyagoo Hargeysa u jira wax ka yar 20 km “

 

Maxaa u baahan in si deg deg ah wax looga qabto?

  1. In dugsigii dib u habayn lagu sameeyo dibna loo dhiso goobaha dumay .
  2. In macalimiinta inta joogtana loo fidiyo tobabar ,isla markaana lagu soo kordhiyo qaar kale oo balwadda ka nadiifa.
  3. Dugsigu biyo la,aan shaqayn maayo nadaafadiisuna wanaagsanaan mayso ,sidaas daraadeed waxa muhiim ah in xooga la saaro sidii biyo loogu sameyn lahaa .
  4. Suuliyadu waa muhiim in ay nadiif ahaadaan isla markaana ku filaadaan labada dhinacba { Wiilasha iyo Gabdhahaba } ,sidoo kalena waa in aanay ahayn qaar mar kasta ardaydu naftooda uga baqdo ..
  5. Dugsigu waa in loo sameeyaa Nadiifisooyin iyo Ilaaliyayaal.
  6. Waxa muhiim ah isla markaana lagama maar maan noqonaya in dugsiga loo yagleelo Xayn daab si uu uga badbaado Saxaradda dadka ,sidoo kalena xayawaanka .
  7. Wasaaradda waxbarashada waxa ku waajib ah in ay la socoto hadba xaalada iyo marxalada uu ku sugan yahay ,hadii kale qaylo-dhaantu way is qabsan ,baahiduna mar kasta way taagnaan.

Maxaa la gudboon Bulshada Reer Abaarso?

  • Waxa muhiim ah in ay gartaan oo ay ogaadaan in Dugsigu yahay Hanti ay iyagu leeyihiin mustaqbalka caruurtoodana ku dhisan karaan.
  • Waxa muhiim ah in ay ilaashadaan isla markaana Iskaa wax u qabso dib ugu soo tiiriyaan Dugsiga Dayacu ka muuqdo.
  • Waxa laga ma maar maan ah in ay Gudi dhinaca horumarinta waxbarashada ah yagleelaan ,si ay ula socdaan hadba baahiyaha iyo xaaladiisa.
  • Lagama maar maan weeyi in tuuladu isku tashato oo ay arimaha ,caafimaadka sida nadaafada ,deegaanka ,waxbarashada ,nafaqaynta iyo beerahaba gacmaha isku qabsadaan halkii ay ka sheedaalin lahaayeen Gawaadhida qaadka dal-daleysa.

 

Wabilaahi Tawfiiq

W/Q: Mohamed Yassin Abdirahman

Yaasiin9111@gmail.com