Baahiyaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa!

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa waxa la aas-aasay 1953kii. Sannadkan 2015 waxa uu jiraa 62 sano. Maamuladii kala duwanaa ee  waddanka soo maray midba in ayuu ku daray oo ku kordhiyay dhismihiisa iyo hannaankiisa shaqo.Waxa uu bixiyaa dhammaan adeegyada caafimaad ee bulshadu u baahantahay badidood. Badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Hargeysa yuu ku yaallaa.Foolkiisa ayay ku beegantahay waddada wadnaha ah ee  hor marta qasriga madaxtooyada Soomaalilaan.Waxa uu la derisyahay Wasaaradda Caafimaadka Soomaalilaan oo kaga dheggan dhanka bari.

Cisbitaalku, waxa uu qayb weyn oo aan la dhudhumin karin ka qaataaa badbaadinta nafo badan iyo u-adeegidda dadyaw  cammaara oo la taabalaysan  lanana ildaran towso caafimaad darro.Waxa uu bulshada ku dhaqan caasimadda, nawaaxigeeda iyo guud ahaan dalkaba ugu jiraa kaalin mug iyo miisaan leh.Waxa uu ka gufeeyay qabyo ballaadhan oo nolosha dadka iyo badhaadhahooda waxyeello ba’an gaadhsiin lahayd.Ka sakow adeegyada caafimaad ee maalinlaha uga socda,waxa laga fuliyaa qalliinno kala duwan oo qaarkood uu kali ku yahay.Qalliinada badh sida qalliinka Qanjidhka Kaadi-mareenka waxa laga fuliyaa saddex maalin toddobaadkii. Bangiga Keydka Dhiiggu (BKD) waa mid kamida waxyaalaha aan lala wadaagin Cisbitaalka Hargeysa. Waxa ka hawlgala dhakhaatiir muwaadiniin iyo ajaanibba leh,kalkaaliyaal caafimaad oo tiro badan ,shaqaale maamul iyo hawlwadeeno kale.Si guud marka loo eego dadka ka shaqo-galaa waa ay ku filanyihiin in ay fuliyaan shaqooyinka yaalla dhakhtarka,waxase jira fakaag u baahan in la buuxiyo.

Marka laga yimaaddo guud marka sare ee iftiiminaya taariikhda cisbitaalka,adeegyada uu bixiyo,waxyaabaha uu gaarka u leeyahay iyo hawlwadeenadiisa,waxa jira baahiyo xaddi badan oo u baahan in si dhugmo leh loo dhugto.Caqabadaha ka jiraa waa qaar koobsanaya dhinacyo dhawr ah sida:baahi maamul,mid adeeg,tu dhisme,tu ammaan,tu fayo-dhawr iyo tu daryeel guud ah. Aynu si kor ka xaadisa ah usoo bandhigno baahiyaha ka jira Cisbitaalka Guud ee Hargeysa “CGH”.

Baahida maamul iyo dhaqaale: Inkasta oo maamulka Wasaaradda Caafimaadka ee hadda jaangooya habsami u-socodka  hawlaha cisbitaalku  uu sameeyay horumar iyo dedaalo dheeri ah,haddana waxa barbar taal culaysyo tiro leh oo u baahan in la furdaamiyo.Marka laga tago arrimaha samafalka ah ee cisbitaalku hidiyo, waxa uu soo saaraa dhaqaal mugleh oo kafayn kara daldaloolo badan.Dawooyinka dhaqtarka yaallaa guud ahaan waa qaar laga iibiyo bukaan socodka iyo bukaan jiifkaba;ha ugu yaraado faro-gashigu “Gloves-ku”.Arrintani waxa ay dhibaato ku haysaa dadka danyarta ah ee aan karin gadashada dawooyinka, dawgana u leh hellidda daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Kolkaa, si marka loo eego waxa uu u  muuqanayaa mid la hannaan ah cisbitaallada gaarka loo leeyahay,waase ka duwnyahay.

Sida caadada ah dhakhaatiirtu waxa ay la kulantaa bukaanka subixii; cidda ay is mutaan badi dadka jiifa cisbitalku waa kalkaaliyaasha caafimaad. Kalkaaliyaashu waxa ay ku kala hawlgalaan hormayn waqtiyaysan oo  hurinaba xilli ayay soo gashaa. Halkase xagal-daacu ka jiraa waa daacadnimadooda iyo hufnaantooda shaqo. Waadhadhka qaar waxa adag in la helo kalkaaliye/kalkaaliso wixii ka danbeeya salaadda duhur.Waxa iyana jirta in la helo kalkaaliye, hasayeeshee hawlkarnimadii iyo u hagar baxii ay yaraato; intabase waxa ka foolxun oo ay In kamid ahi(mawada ahee) ku kacaan dhaqaale urursi amin gudashadooda shaqo.Tani waa mid aan usoo joogay muddo aan ku sugnaa dhakhtarka oo cid ku hayay,lana kumay.Adduunka ay ku dheefaan hannaanka noocan ahi waa mid ku abtirsanaya musuqmaasuq aannu la ogayn maamulku.

Dhanka kale,xilliyada bukaanadu ku suganyihiin xaaladaha aan wanaagsanayn waxa ay jid dheer iyo isdaba taag kala kulmaan xarumaha: lacag qabashada,dawo iibsiga iyo shaybaadhka.Marar badan ayay dhacdaa in bukaan u baahan daawo degdeg ah ay si Alle mooyee waxba kula soo gaadhin. Caqabaddani waa mid u baahan dib u-sixid iyo ka baaraan deg weyn.

 

Baahida dhisme: Ku talo galkii hore ee cisbitaalku waxa uu ahaa mid aad uga tira yar dadka maanta ku nool magaalada Hargeysa oo lagu qiyaaso in ka badan 1.2 Milyan. Dhisma yaal door ah iyo goobo fara badan oo lagu kordhiyayna umay saamixin buuxinta baahida dhisme ee taagan.Qaybta Gargaarka Degdega ahi(QGD) iyo waadhadhka qaar  ayaa kamid ah meelaha aadka looga dareemo cidhiidhiga dhisme;inka badan maalin iyo laba ayay mararka qaar ku qaadataa in uu helo bukaan jooga Qaybta Gargaarka Degdeg,waadhka ku habboon ee ladhigi lahaa.

Baahida ammaan: In kasta oo ay jiraan ciidamo jooga cisbitaalku,haddana ma aha qaar u hawl gala,raacana nidaam si waafi ah u sugaya ammaanka naf iyo ka hantiyeed ee cisbitaalka.Kadimada dhawr ka ah ee laga soo galo dhakhtarku ma ah kuwa la isku baadho,si loo ogaado waxkasta oo khalkhal galinkara adeegga cisbitaalka iyo bukaanka. Waadhadhka qaar sida ka loo yaqaan”Payment-ka” ee la kireeyo waxa ka caan ah tuug la isu sheego kolka ay soo gaadhaan oo hantida bukaanka iyo agabkooda xada xillida ay hurdaan.Xasillooni darada noocan ahi waa mid welwel hor leh ku abuuraysa dadka buka ee tawsaha iyo tabaalaha xannuun la deriska ah.

Baahida fayo-dhawr: Si guud nadaafadda ka jirta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ma aha mid aad looga dido marka loo kuur galo,waxase muuqanaysa oo ugu horrayn ishuba qabataa Qaybta Gargaarka Degdega ah “Emergency-ga” oo saxa-darradeeda judhaba la dareemaa.Xoolaha nool siiba riyaha ayaa mar marka qaar lagu dhex arkaa gudaha cisbitalka,taas oo haddii hadhaaga dawooyininka la tuuray ay xaabaan ku keeni karta  bulshada xanuuno.Qaybo ka mid ah bullaacadaha ay ku soo gororaan qashinka dareeraha ”Liquid wastes” siiba kuwa dhaca dhanka bari ee cisbitalku waa kuwa u dhow in ay dumaan, badhkoodna halis ayayba u yihiin dadku in ay ku dhacaan xilliyada habeenkii.

Baahida daryeelka guud: Baahiyaha kale ee cisbitaalku u baahanyahay in wax laga qabto ayaa ah:Jamp-ka(buuqa) iyo saxmadda ka dhalata baabuurta hor marta cisbitaalka oo abuura hoon dhinbiil marmarka qaar kaga daran dadka buka.

Gebagabo: Si looga guulaysto baahiyaha ballaadhan ee ka jira cisbitaalka waxa aan soo jeedin lahaa qodobbo dhawr ah,sida:

  1. In dawladda oo xilku saaranyahay ay u qoondayso adduun ku filan si loo ballaadhiyo loogana dhigo mid munaasib ku ah bulshada.
  2. In dawladdu dardar galiso ammaanka cisbitaalka ,il-gaarana ku eegto dayaca ka jira.
  3. In Wasaaradda Caafimaadku ay la gasho shirkado gaar loo leeyahay heshiis maamul”Management Contract” oo ay ku wareejiso maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa,si loo xaqiijiyo ka midho dhalinta iyo taabba galinta adeegyada caafimaad ee bulshadu u baahantahay.Gelidda heshiis dhanka maamulka oo kali  ahi waxa uu kor u qaadayaa:
  4. Bixinta adeeg caafimaad  oo tayo leh;
  5. Helidda shaqaale tayo badan oo tiro yar;
  6. Dabar goynta maamul xumada iyo musuqmaasuqa; IWM

Wq: Eng. Mukhtaar Jaamac Muxumed “Libaaxsalaax”

E-mail: Libaaxsalaax93@gmail.com

10-ka Diiseember, 2015

Hargeysa, Somaliland.