Baadhitannada Xasuuqyadii loo geystay Shacabka Somaliland oo Heer Caalami la gaadhsiiyey iyo Khubaro ku hawlan

xabaalo wadareedHARGEYSA (SLpost)- Guddi caalami ah oo ka kala yimid waddamo dhowr ah, ayaa bilaabay barnaamij xambaarsan baadhitaan madax banaan oo lagu samaynayo gaboodfalkii iyo xadgudubyadii loo gaystay shacabka Somaliland dhamaadkii Sideetameeyadii wakhtigii Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, waxaana guddigani booqdeen deegaano ay ku yaalaan Xabaal- wadareedyo lagu aasay dad badan oo xilligaa la xasuuqay.

Khubaro ka socota Hay’ado caalami ah oo kala socota waddamo ka kala tirsan Qaaradaha Yurub iyo Ameerika, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa dalka, waxaanay baadhitaannadooda ka bilaabay dhowr goobood oo laga helay xabaallo-wadareedyo lagu aasay meydka dad shacab oo la xasuuqay.

HALKAN KA DAAWO