Baadari su’aalo laga qeydiiyay xadgudubka caruurta

Us(Slpost)-Xubin sare oo ka tirsan kaniisadda Vatican oo ku sugan magaalada Rome waxa uu cadeyn fiidiyow ah siinayaa kooxda baareysa xadgudub caruur loo geystay.

141

Cardinal George Pell, oo ah ninka ugu caansan dalka Australia ee kaniisadda Catholic, horeyna baadari uga ahaan jiray magaalada Sydney, waxaa la weydiiyay haddii uu wax ka og yahay faraxumeynta ka dhex jirta kaniisadaha uu asiga masuulka ka yahay.

Waxa uu diiday inuu wax qalad ah sameeyay.Cardinal Pell waxa uu beeniyay inuu aqoon u leeyahay wadaadada kaniisadda eek u xad gudbay caruurta xilligii uu asigu ahaa madaxa kaniisadaha Ballarat ee magaalada waqooyiga ku taalla ee Victoria.

Laakiin asigoo ka jawaabayay eedaha kaniisadaka ee xadgudub ka galmo, Cardinal waxa uu qiray inay jiraan qaladaad la sameeyay iyo in dadka la niyad jebiyay.Waxa uu sheegay in qaar kamid ah cabashooyiinka la “tuuray sababo fadeexad ah aawadood.”

Qaar kamid ah dadkii ka badbaaday xadgudubkaasi ayaa waxa ay u safreen Taliyaaniga, si ay ugu marqaati furaan Cardinal Pell.