Aynu Wada Qadeyno – W/Q: Cabdifataax (Ceelaabe)

ceelaabeCuntada ugu Muhiimsan Saddexda Wakhti ee sida weyn wax loo Cuno Ayaa loo Aqoonsadey Qadada,Wax badan oo aaney Labada wakhti ee kale ee wax la cunaa laheyn ama la Arag ayeyna qadadu wadataa.Xiisaha iyo Hamuunta cuntada loo qabaa wakhtigani la Mid maaha Midka Habeenkii,Lagama Tegi karo,Waana Marka Keliya ee la helo Cunto Dheeliterin oo Qofka Jidhkiisu u baahan yahay.Waxaasi oo dhan Marka laga tagana waxa Xiligan Cuntada la cunaa gaar u leedahay in la Wadaago oo si Jamac ama wadar iyo Koox ah loo Cuno.Weynu Wada Qadeyn doonaa iyo Qadada aan Is raacnana Balamaha ugu fiican ayey Ka mid tahay.Hadhimo Sharafeedu sow Qadada Maaha,Casuumaduhu sow Wakhtiga qadada Maaha,Hilibka iyo Maraqu sow qadada Maaha, Bariisku sow Qadada Maaha.

Aduunyada oo dhan waxa Dhaqankooda soo Jireenka ah ku Jirta in La wada Cuno Qadada,Xiliga Dadka intiisa badani Guryaha dib ugu Noqdaan lana wada Kulmo ayaa Duhurku ka mid yahay,Waxa Weli Nolosheena ku Jirta wada cunteynta iyo in Qoyska Ragg iyo Dumarba si gaar ,gaar ah Cuntada la iskugu Rido ama Daro,Aabaha iyo Caruurta ama Cidii kale ee Ragg ah Ayaa loo horqaadi Jirey Cuntooyinka oo dhan,Xiiso gaar ah Ayaa kulanka Qadadu lahaan Jirey,la isku Arko,lagu wada Sheekeysto,lagu kala warqaato,Lagu kaftamo,La isku Dulwaaniyo,Mararka qaar la isku dulcanaanto,Qadadaa Kulmin Jirtey dad Maalinta inteeda kale kala Mashquulsan,Weligey Ma ilaawo Wadaagii Qadada Duhurnimo,Maanta Maxaa la Keriyey iyo Cuntadu Maanta imey soo Jiidan Ayaana Xubno Qoyska ka mid ah Mararka qaarkood laga Maqli Jirey,Waa Kuleyl,Wey Macaaneyd,Wey Yareyd,Ha Boobin,Ayar Cun,Dhinaca ku soo Xiga ka Cuna iwm Ayaa dhex Mari Jirey Kooxda Wada Cunteyneysa,Adeegaha iyo Qofka Keriyey Isna Waa la soo hadal qaaadi Jirey,Buuq,Sawaxan iyo Muran ka Dhasha Cuntaduna Da,yarta Wax kala boobtey ayuu ku badnaan Jirey.Kulaankaasi hadaba Qadadu Maanta sidii berigii hore goob la isugu wada iman Jirey weli ma yahay Mise waxbaa iska Badalay”.

Halganka Nolosha iyo Mashquulkaa intii hore ka soo badanaya,sida la isku Arko ama Fadhi cunto loo wadaago dharaar kasta ayaan wakhtigan suurto gal aheyn sababo badan Awgeed oo Shaqooyinka iyo waxbarashadu ka mid yihiin,Hawlaha iyo Wakhtiga ayaa kala Mashquuliyey Xitaa dad guri kuwada nool oo aan Kulan Cunto wadaag ku kulmi muddo badan.Bisinka u Qabo,Faraxalo,Dhinaca ku soo Xigta ka cun,Kaftankii iyo Wada sheekeysigii Wakhtiga badan qadada ka dib loo Fadhiyi Jirey Xidhiidhka Walaalaha iyo Ehelkana kor u qaadi Jirey ee Qadadu sidii hore Maalin kasta Joogto u ma aha.

Maxaa Dhacey ee aad ula Qadeyn weydey “Waan Soo Qadeeyey,Maanta Qado Ma Rabo,Ma cuni Karo,Ha la ii dhigo,Tvga Ayaan dawanaya gaar ha la igu keeno,Laptopka Ayaan Mashquul ku ahey,Mobileka Ayaan qof kala hadlayaa,Internetka Ayaan ku Jira ma Haleelaayo Ayaa si buuxda loogu Jawabayaa Maanta.Dibbirada Ayaa ka dhibaato badan Gaajada Waa Maah-Maaha.Agabka guriga inoo Yaala waxa ay inaga Mashquuliyeen Kulamadeenii iyo wadaagii Cuntada.in lagu sugaa waa in lagu hiifo,laguna Karahsado hoosna loo gunuunuco Intaad Qadada la bilaabeyso.Maalin kasta Xiligan ha lagu Helo Cadceedu Badhtanka taagan tahay Dad badan wax fudud lama aha,Fursad gurigii loogu Noqdana Shaqooyinka qaarkood kuma Jirto,Qadada oo Qabowdeyna Ha iska daboolnaato,Xiligii Balwada iyo Fadhiisiga Ayey Gaadhaye.

Kulanka Qadada Ayaa ugu Dhow Fursad aad kala hadasho Arimaha aad damacsan tahay iyo Qorshayaashaada dhow,Keliya salaan iyo Macasalameyn Qudha iyo Aamus badan Ma Macaaneynaayaan Cunida Cuntada.

Akhriste Cabaaro Salaada Duhur ka dib Wadooyinka waxa Xidha Baabuurta dadka Qadeynaaya ee Cuntooyinka ka cuna Hudheelada,Hudheelada lagu barto Qadooyinka Wanaagsan,Hudheelada Beeshu leedahay,Hudheelada shaxaadka iyo Siyaasiyiintu ka ag dhow yihiin,Hudheelada asxaabtu u badan tahay,Hudheelada Buugaagta laga furto Ayaa lagu wada Jiraa.Ragg badan Ayaa Halkaasi ka rita Qado iyo Qaad oo aan Reerahoodiina War u heynin waxa lagu Cunaayo.

Gelin hore Ayaa Odeygii Hilib geel loo qaadey ama Suuqa ka cuney, Caano, Maraq, Sharaab, Biyo iyo Jaad intaba Wuu soo Cuney,Caawana Gurigii oo saaka ugu Danbeysey Bariis cadna lagu Kariyey Ayuu ku sii socdaa,Halkiina in uu Galo Ayuu rabaa ileen Isagu wuu is Og yahaye,Wadaadaduna inta ay Haweenka Nafaqo yar siiyaan iyaguna Suuqa Meelkasta gacanta soo Mariyaan ayey Miskiinta yar ku odhan Doonaan intaasi Ayuuun baan Bisinka u qabtaa aynu cuno oo ilaahey inoo Barakeeyey.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com