AYAYDAA TAAG DARRAN IYADOON TABAR LAHAYN BAY DADKA ISKU TAAGTAAGI !!!

Waxaa Layaab Ah Runti Siyaasada Somaliland Maanta O Saddex Gees Noqotay Hadanay Goolad Aan Laga Bixi Karin Gashay ? Siyaasad Aan Kala Rooneyen Hadana Kala Hadaf Ah Iyo Prograamyo Fara Badan Oo Kala Daran.

5 Sanno Qorshihii Lagu Tala Galay Halna Lagama Fulin Iyadu Hadana Muddo Kurdhis Lagu Saxiixay !! Bal Muddo Kurdhis Ku Bilaabmatay Khilaaf Abuur Shacabka Somaliland Lagu Kala Kaxeeyo Oo Markasta Xukuumaddu Ka Dambaysay :

– Boobka Hantida Qaranka

– Feedhkii Barlmaanka Somaliland

– Abaar Xoogan Iyo Diiwan Galin Campaign Ah

– Mushkiladii Teaterka Hargeisa

– Mushkiladii Dekada Ceel Garde

– Warshadi Hargaha Ee Dacar Budhuq

Runtii Waxaan Aad Ogu Farxsanahay In Markasta Shacabka

Somaliland Ay Dhawrayeen Xasiloonida Somaliland O Markasta Dhinaca Wanaaga Ka Eegayeen Iyo Waliba Sidii Fiicaneed Ay Hadda Ku Dhamaatay Khilaafki Dekadda Ceel Garde.

Waxaa Ka Hadhay Doorashadii Somaliland Hal Sanno Sidaad U Wada Ogtihiin Hal Barnaamij O Ku Saabsan Arinta Doorashada Somaliland Ma La Soo Bandhigin Laa Xukuumada Somaliland Walaa Barlmaanka Somaliland !!!

Hal Barnaamij O Ku Saabsan Abaaraha Somaliland Lama Soo Bandhigin Iyada Lafteeda !!! Diiwaan Galin Qarash Farabadan Lagaliyay Ayaa Ka Socota Somaliland !!!!

Dee Markaa Dalkii O Marxalada Xasaasiya Ku Jira Maxaa Lagaga Saari Karaa ? Se Barnaamjika Muddo Kordhintu Muxuu Awalba Ku Salaysnaa ? Ma Ha Laysku Mashquulu Baa? Ma Dantaada Wada Baa?

Bal Marka Hore Shacabka Dhagaystaa Baahidooda Iyo Abaarahana Waxa Ka Qabta ,Waliba Prograam Taakuleyna O Sameeya Shacabka Iyo Khayraatka Wadankaba Siday Xoolohuna Laftigoodu Gaajadu Oga Ba’ado Ay Badbaadaan Waayo Dadkeenu Waxay U Badanyihiin Xoolo Dhaqto .

Aniga O Ixtiraam Wayen O Haya Gudida Ictiraafka Ah Laakin Fikirkayaga Xorka Ah Wuxu Isiiyay Inay Tahay Been Go Lagu Daday O Qorshe Lagu Mashqoolinayo Shacabka Ay Tahay !! Waayo Waxaan Ka Tusaala Qaadanaya Habkii Masuulinta Sharafta Leh Ay Xukumadu O Magacawday Iyagoon Kaba War Hayenin !!

Doorashu Ma Jirtee Waa Haygu Garan Ee Ka Galgalo Xaqiiqda !

 

Samia Muse