AYAX Khasaare ba’an u geystay Dalagga Beeraleyda Gobolka Awdal

Xuquuqda Sawirka - RADIO ERGO

Borame (SLpost)- Dhul-beereed tiro badan oo ku yaalla gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa khasaare baaxad leh ka soo gaadhay Ayax ku habsaday oo dhaawacay wax-soo-saarkii beeraha ee gobolkaas.

Beeralay ku nool gobolka Awdal, ayaa sheegay in Ayaxu weeraray tuulooyinka Xariirad, Xaliimaale, Maraaley, Ceel Baxey, Qoqol, Aroorseel iyo Weeraar. Ayaxa oo la sheegay in uu ka yimid dhinaca dalka Ethiopia, ayaa cunay Wax-soo-saarka Beeralayda oo u badan Dalagyo u badan khudaarta caqaaran.

Guddoomiyaha beeralayda Xaliimaale, Saleebaan Xasan oo u warray Radio Ergo, ayaa sheegay Ayaxu uu ka baabi’iyay dalag ku abuurnaa beertiisa oo cabir ahaan gaadhaysa 27 Hektar.

“Waxba Celin kari maayaan, xilliyadiisa ugu horeeya ayaa macquul ah in wax laga qabto balse kan xitaa daasadaha la qaraaco wax kama taraan,” ayuu yidhi Saleemaan oo sidoo kale sheegay in Ayuxu baabiiyey 20 beerood oo ku yaalla tuulada Xalimaale.

Xuquuqda Sawirka – RADIO ERGO

Saleebaan waxa uu sheegay in Ayuxu khasaare ba’an u geystay dalaggiisa oo isugu jira Tamaandho, Basal iyo Xab-xab. “Waxaan rajaynaayay in aan xabxabka oo kaliya aan ka helo $4,000, beerta waxaan ka shaqaynaayay muddo seddex bilood, kharash bandanna waan galiyey,” Sidaas ayuu yidhi Saleebaan.

Shide Cawaale Good oo isna ka mid beeralayda Xaliimaale oo beertiisa ay waxyeello ka soo gaadhay Ayaxa, waxa uu sheegay, “Kolay kolka uu dalagu soo baxo, siyaabo badan baa loo isticmaalaa, marka uu garawgu dadka ka goosto, qoysas badan baa ku noolaada, kolka laga tago garawga, caleenta waxa ku noolaada geela iyo lo’ da oo lix bilood oo dhan baa lagaga baxaa,” Sidaas ayuu yidhi Shide Cawaale.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net