Ayax Guuraya oo maanta Hargeysa Dulmaray Meelo Qaarna Lagu Arkayay Isaga Ku habsaday

Ayax-- Askarjpg.Hargeysa (SLPOST) Ayax Guuraya ayaa manta Duhurkii qariyey caasimada Hargeysameelo ka mid ah  kadib markii uu isagoo sida Shinida u Guuraya lagu arkay  daafaha magaaladda Hargeysa kolba dhinac kaga soo wareegay isagoo markii danbe isku baahiyey dhamaan xaafadaha sitoos ahna lugu arkayay xaafadaha galbeedka hargeysa Hargeysa.

Ayaxa Dadweynaha Hargeysa oo intooda badani aanay sanadahaas Arag Ayax noocan oo kale ah ayaa manta isugu soo baxay jidadka waxaanay ku dhaygagsanaayeen awooda Ayaxani leeyahay, waxaanu qofkastaa xiisaynayey daawashadiisa.

Dadweynaha Hargeysa oo ka war hayey in Ayaxani mar uun soo gaadhi doono maadaama maalmahanba hadal hayntiisu badnayd ayaa hadana waxa uu u lahaa laba arrimood oo midi tahay dhibaatada uu deegaanka ku keenayo taasoo aanay waxba ka qaban Karin iyo arrinta kale oo ah sida uu u socday Ayaxaasi iyadoo qof kastaa kamarad ku sawirayey marka uu soo gaadho.

Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa sheegtay in aanay u lahayn awood ay kula dagaalanto Ayaxan isla markaana ay rajaynayso gurmad uga yimaada dalalka uu ku wajahan yahay Ayaxani gaar ahaan Dalka Itoobiya.

Wasaaradda Beeraha oo marar badan sheegtay inay ka hawl-gashay la-dagaallanka Cayayaanka Ayaxa ee waxyeellada xooggan ku haya dalagga Beeraha iyo Daaqa Xoolaha, oo ay Kooxo u ka hawl-gala oo Buuxiya Ayaxaas u dirtay iyada oo kaashanaysay Hay’adaha ka shaqeeya daryeelka Beeraha iyo Xoolaha ee caalamiga ah qaarkood.

wwwHase-yeeshee Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo horraantii bishan Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in Ayaxa oo ay doonayeen inay Diyaarado ku buufiyaan uu gaadhay heer la-dagaallankiisu adag yahay, isla markaana ay buufintaasi ugu suurageli weyday cabsi caafimaad oo ka soo gaadhi karta dadka iyo Xoolaha ku dhaqan Deegaannada ay u qorsheeyeen inay Diyaaradda ku buufiyaan.

Ayaxa ku habsaday gobollada kala duwan ee dalka Somaliland, ayaanay dawladda iyo Hay’adaha arrintaa kala hawlgalayay aanay haba-yaraatee wax xal ah u helin la-dagaallanka Ayaxa, isla markaana marba marka ka dambaysa waxa uu ku sii fidayaa deegaanno hor leh.

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Office/Somaliland